Shirkada Caymiska Ee TAKAFUL Oo Hargeysa Lagu Daah Furay.

0
111

takafulHargeysa(Waaheen)Munaasibad Si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu daah furayey Shirkada Caymiska ee TAKAFUL oo lagu qabtay Hotelka Maansoor Ee Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb Galay Wasiiro, Culimo Awdiin, Dakhaatiir, Masuuliyiin ka socday Hay’adaha Caalamiga ah, Hogaanka Asxaabta Qaranka, Baarlamaanka iyo Marti sharafka kale.

Shirkadan Caymiska Oo ah tii ugu horaysay ee laga Hirgaliyo Somaliland ayaa Bixin doonta Caymis islaamiya taasi oo ay gacanta ku yahaan Culimo waawayni, caymiskan oo isugu jiray mid Caafimaad iyo mid Gaadiid, sida uu sheegay Gudoomiyaha Shirkadaasi Mr Cumer Xaaji Xuseen Cumer Xaashi “Waxa aniga sharaf ii ah in aan Somaliland u soo Jiido nidaamkan  Shirkadaha Takafulka oo Wadamada Bariga Afrika ay leeyihiin Seddex Wadan oo kaliya oo ay ta 1aad ahayd Khartum, Neirobi iyadoo Hargeysi noqotay tii 3aad ee Mandaqada oo dhan qaadata nidaamkana Xalaasha ah ” ayuu yidhi Mr Cumer
Gudoomiyaha oo Hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay Hiigsiga shirtada TAKAFUL “Hadafka ay Shirkadu leedhay waxa weeyaan mid ka duwan Shirkadaha kale, inuu bixiyo Adeeg dhamaystiran oo caymis ah oo Xalaal ah oo diidaya dhamaan waxay Shareecada islaamku reebtay, ugu horeyn waxaan doonaynaa inaanu wada gaadhsiino dadka Afsomaliga ku hadla, waxaanu ku xigsiinaynaa wadamo badan oo Af  Sawaaxili ku hadla, Xawsaha iyo Carabigaa ku xigaya, sidaasaanu u wadaynaa, 2030-ka waxaanu rajaynaynaa inaanu noqono Shirkad Caalamka oo dhan gaadha” ayuu yidhi Mr Cumer
bark
Mr Cumar waxa uu si kooban u sharaxay qaybaha uu u kala baxayo Caymiska ay bixinayso Shirkadu “caymiska ay shirkadu bixinayso way badan yihiin laakiin waan soo koobayaa ta 1aad waa Caafimaadka, adeega labaadna waa Caymiska Gawaadhida, waxaanu ugu horeysiinaynaa oo aanu Caymiskooda Siinaynaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo labada gudoomiye oo Kulmiye iyo Wadani, TAKAFUL waa nidaam laysku kaashanayo sidii dhibka looga hortagi lahaa” ayuu ku soo kooban Gudoomiyu hadalkiisa.
Dhinaca kale waxa halkaasi kahadlay Wasiirka diinta iyo Awqaafta oo ka waramay dhinaca diinta iyo siday isku waa faqsan yihiin TAKAFUL “runtii waxaanu halkan uga soo xaadirnay inaanu dadka ku dhiiri galinyo shareecada iyo diinteena inay ku salaysan tahay aanu u sheegno, sidaa ay shareecada u waafaqsan tahay ayuu ilaahayna inoogu naxariisanayaa, Wuuna ka baabiinayaa baahidii inagu dhici lahayd, Asbaabtiibaynu la imanayanaa, markaa TAKAFUL ha u qaadanina inay ilaahay qadarkiisii ka hor imanayso” ayuu yidhi wasiirka diinta iyo awqaafta sheikh Khaliil Cabdilaahi Axmed
takaful2
Dr Xaliimo xilmi weheliye oo Munaasibaadi ka hadashay ayaa ku dheeraatay dhibaatada ay kala kulmi jireen shirkada ajaanibka ah “runtii TAKAFUL horteed waxaanu isticmaali jirnay  Shirkado Ajaanib oo naga Fog oo xafiiskooda aanan gaadhi Karin, oo aanan isku af ahayn oonaan wajigooda arag, hadii aan dan u sheeganaynana aanan la gaadhi karayn oo hadii ay baahi igu timaado iyo hadii kaleba wixii sanad kaa la ii qoondeeyey meesh ka baxaan meesha noogu dhawayd waxay ahayd neirobi waxa laga yaabaa anigu markaan ka soo qaato anoo haysta passport ajaanib ah ninkayga iyo caruurtaydu mahaystaan mana heli karaan markaa Takaful waxay ku soo beegantay waqti ay Shaqaalihii hay’aduhu khaatiyaan ka taagan yihiin oo ay lacagtii caymiska ahayd ee loo qoondeeyey ay gaadhi kari laayihiin” ayey tidhi Dr xaliimo
Dhinana kala waxa madashaasi ka hadlay Madax aad u tiro badan oo ay ka mid yihii Gudoomiyaha Baarlamaanka Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye iyo Masuuliyiin kale oo dhamaantood soo dhaweeyey Shirkadan TAKAFUL iyo Adeegeeda Caymiska.