Wasiirada Maaliyada iyo Madaxtooyada Somaliland Oo Daamur gaadhsiiyey Wadada Ceeri gaabo

0
112

5Ceerigaabo(Waaheen)Wasiirka Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X Xasan ayaa 25000 oo foosto oo Daamur ah Gaadhsiiyey Wadada Ceeri Gaabo ee dhismuhu ka socdo sidaasi waxay Wasaarada Maaliyadu ku sheegeen Qoraal ay soo dhigeen Boga Facebook Wasaarada Maaliyada oo u dhignaa sida

Waxa maanta oo taariikhdu tahay 26/02/2015 kormeer shaqo ah ku tagey jidka shaqadu kasocoto ee wadada ceerigaabo-burco wasiirka wasaarada maaliyada mudane cabdicasiis maxamed Samaale oo uu weheliyo wasiirka madaxtooyada Jsl Mudane Xirsi Xaaji xasan, mareeyaha Hayada wadooyinka mudane xasan, agaasimaha waaxda qorsheynta weli Daud cigaal iyo salaadiin.

waxaana wasiirka iyo weftiga la socday ay gaadheen tuulada ina af madoobe oo ah goobta laga Bilaabay wadada ceerigaabo,halkaas oo wasiirka maaliyadu ugu tehey 61 gaadhi oo siday Daamurkii wadaadaas lagu sameynayey, isla markaas waxa wasiirada halkaas warbixin ku saabsan sida ay hawshu u socoto ka siiyey Maareeyaha hayada wadooyinka mudane xasan waxaana uu sheegay in daamurka ay hayadu dalbatay uu ka kooban yahay 25000 oo foosto taas oo dhisi doonta 150 oo wadada ah taas oo ay hada soo gaadheen 10,890 foosto halka 14,190 foostana ay soo socdaan tira ka mid ahina sooba gaadhay dekeda Berbera, waxa kale oo uu maareeyuhu sheegay in 37km oo dhinaca ceerigaabo ah caro tuurkoodii iyo laamigoodii qayb ahi dhamaaday sidoo kale 5km oo ceelafweyn ahina caratuulkodii dhamaaday,sidoo kalena 5 km oo Gar adag iyana cara tuulkoodii dhamaaday halka inaafmadoobena 10 km oo laami ahi dhamaaday taas oo maanta hal km aad indhihiina ku arkaysaan oo aynu dhigayno,

hs

ugu danbeyna waxa uu maareeyuhu sheegay in uu rajeynayo bisha may ee 2015 in uu 100 km caratuulkooda iyo qayb Laami ahi dhamaan doonaan.inta ka dib waxa wasiirka maaliyada halkaas warbixin ka siiyey wasiirka madaxtooyada sida ay shaqada u wadaan isagoo sheegay in markii shaqada ay Bilaabeen foostada Daamurka ah laga soo siin jiray $170 halka imika oo ay daamur badan dalbadeen qiimihiisii aad hoos ugu dhacay oo laga soo siiyey 109.5$

sd

sidoo kale waxa uu wasiirka madaxtooyadu uu mahadnaq Balaadhan usoo jeediyey wasaarada maaliyada ee hogaanka u hayo wasiirka maaliyada sida wanaagsan ee ay xil isaga saareen in la helo dhaqaalihii lagu hirgeliyey hawshan mihiimka u ah qaranka somaliland geba gebadii waxa halkaas ka hadlay wasiirka maaliyada mudane Cabdi casiis Maxamed Samaale oo Halkaas isna uga mahadnaqay hawl wadeenada hayada wadooyinka somaliland iyo wasiirka wasaarada madaxtooyada sida wanaagsan ee ay uga midha dhaliyeen hawshii wadada ceerigaabo iyo sida ay u mujiyeen cashuurtii yarayd ee ay dad weynaha ka soo ururisay wasaarada maaliyadu taas oo uu wasiirka mahadnaq balaadhana uu soo jeediyey cashuur bixiyayaasha somaliland, waxaanu wasiirka usoo jeediyey dadweynaha reer somaliland inay Bixiyaan cashuurta maadaama aad indhihiina ku arkaysaan waxaanu cashuurtii aad Bixiseen idiinku Qabanay. ugu danbeyn waxa uu wasiirku sheegay in gacmo aamina ay ku jirto cashuurtii aanu idinka uruurinay iyadoo wasiirku uu cadeeyay qalabkan hayada wadooyinka iyo daamurkan aad arkaysaanba in wasaarada maaliyadu ay maalgelisay .diyaarna aanu u nahay inaanu dhamaystiro jidkan cerigaabo Burco kuwo kalena aanu dhisno.

yyy yuytu xi w som gad hs lam samaale sd g f dfdfds d 66 45 5