Alshabaab iyo Ehlu Suna oo Dagaalo Culus ku haya Puntland iyo Somaliya

0
45

Meydadka dagaaladdii u danbeeyey oo buux dhaafay Buuraha Galgala

Galgala(Waaheen) Wararka ka imaanaya Buuraaleyda Galgala ayaa sheegaya in halkaasi ay buux dhaafiyeen Meydadka Ciidamada Puntland iyo Maleeshiyada Alshabaab, kadib markii ay adkaatay aasida Meydadkaasi.

Meydadkaani ayaa la sheegayaa in ay ka dhasheen Dagaalo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacaayay Buuraaleyda Galgala, waxa ayna wararku sheegayaan in labada dhinac ay Aaseen Meydadka ugu sahlan oo ku dhintay meelaha fudfudud, halka kuwa kalane aysan weli suuragalin in la aaso.

Dagaalada u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo kuwa Alshabaab ayaa u muuqanaaya mid ay Kooxdu ku hamineyso la wareegida Deegaanada ku dhow dhow Galgala iyo furumaha hore oo ay Ciidamada Puntland kaga sugan yihiin Galgala.

Inta badan goobaha uu dagaalka ka dhacayo ayaa waxaa buux dhaafiyay qubuuro horay loogu aasay Ciidamo ka kala tirsan labada dhinac oo ku nafwaayay Dagaalada, halka qaarkoodna ay iminka buuxaan Furumaha dagaalka mana suuragaleyso in la aaso maadaama ay is hor fadhiyaan Ciidamada.

Dhanka kale, Saraakiisha labada dhinac ayaa ku adkeysanaa in dagaalka ay ka gaareen guulo, inkastoo Goobaha dagaalka lagu arkayo Meydad farabadan oo labada dhinac ah.

Dhanka Wararka Naga soo gadhaya Magaalada Gurri ee Somaliya ayaa Waxa Dagaalo culusi ku dhexmaryaan Ciidamada Ehlusuna Waljameeca iyo Ciidamada Dawlada Somaliya, waxaana la maqlayaa rasaas xoogan ooay is dhaafsanayaan labada ciidan ee dagaalku u dhaxeeyo.
Saraakiil ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ku eedeeyay Ciidamada Dawlada Soomaaliya ee ku sugan Duleedka Magaaladaasi ay bilaabeen rasaasta, waxaana hada dagaalka uu kasocdaa agagaarka Saldhiga Booliiska iyo goobo kale.
Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka shalay dib uga qarxay Magaalada Guriceel ,inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Dagaalkan.
Dagaalka shalay ka qarxay Magaalada Guriceel ayaa imanaya xili odayaal ay waan waan ka dhex wadeen labada dhinac ayna rajo wanaagsan ka qabeyn inay kala dhex dhigaan xabad joojin.