“Golaha Wakiiladu Wuxuu Leeyahay Xeer Lagu Doorto Oo Dhaqan Gal Ah” Xildhibaan Buubaa

0
83

Hargeysa(Waaheen)Gudoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland, ahna afhayeenka xisbiga Waddani, Ibraahin Mahdii Buubaa, ayaa sheegay in Xukumaddu marmarsiiyo uga dhiganayso Xeerka doorashada wakiilada si ay dib ugu rido doorashada. Waxa uu sheegay in xeerkaasi jiro islamarkaana lagu samayn karo kaabis iyo wax ka bedel.

“Waxaan jecelahay inaan bulshada u soo bandhigo oo u sheego Xeerka Golaha wakiilada ee la leeyahay lama samayn ee  wasiiro intay soo fadhiistaan leeyihiin lama samayn ama Golaha oo 10 sanno fadhiyay ayaan samayn xeerkii lagu dooran lahayn, waxaanu Umadda u sheegaynaa inaan waxba ka jiran. Xeer buu leeyahay golahani lagu soo doortay 2005-tii oo shaqaynaya wax ka xunna aanu jirin habayaraatee” ayuu yidhi Mudane Ibraahin Buubaa.

Gudoomiyaha guddida joogtada ahi waxa uu sheegay inaanu fahmin sababta Xeerkan loo daadifeeyay “Sababta meesha looga saaray xeerkan(Xeer lambar 20/2005. Xeerkaasi waa xeer shaqeeya oo dhaqan gal ah, waa laga yaabaa in waxka bedel iyo Kaabis lagu sameeyo haddii Goluhu doono ama Xukumaddu soo jeediso laakiin Xeer lagu doortaba Goluhu ma leh waxba kama jiraan weeye”

Waxa uu ugu bushaareeyay Cid kasta oo doonaysa inay doorashada wakiilada gasho iyo Bulshadaba in Xeerkaasi yahay mid dhaqan gal ah oo aan waxba ka xumayni yaalo.

Mudane Ibraahin Mahdi Buubaa, waxa uu sheegay inaanu jirin Sharci ka hor istaagaya Gudoomiye Cirro inuu doorashada Madaxtinimada  galo isagoo ah Gudoomiyaha Wakiilada “Waxaanu halkan ku haynaa Dastuurkii Qaranka, waxa kale oo aanu haynaa Xeerkii doorashada wakiilada, waxa kale oo aanu haynaa Xeerkii doorashooyinka Madaxweynaha iyo Golaha degaanka, waxa kale oo aanu haynaa xeerkii Ururada iyo Asxaabta, dhamaantood ma jirto meel kaliya oo tilmaamaysa inaan Gudoomiye Cirro oo Hogaaminaya wakiilada ama xubin ka ahi ka qayb gali Karin Doorashada Madaxweynaha, sharci sheegayaa ma jiro waana la majaro habaabinayaa sharciga. Sharcigu wuxuu u ogol yahay Gudoomiyaha wakiilada in isagoo Gudoomiyaha wakiilada ah uu ahaado Musharaxa Xisbiga Waddani ee Madaxtinimada” ayuu yidhi Xildhibaanku.