Madaxwaynaha Sudan oo Maraykanka iyo Yahuuda ku Eedeeyay in ay ka Danbeeyaan Daacish iyo Boko-xaraam

0
99

Sudan(Waaheen)-Hogaamiyaha Suudan Cumar Albashir, ayaa ku eedeyey wadamada Maraykanka iyo Isra’el in ay maalgaliyaan ururada argagixisad ah ee kala ah ISIS iyo Boko-xaraam. Waraysi uu hogaamiyuhu siyeey TV-ga Euro News maalantii shalay ahayd ayuu ku dhaleeceyey ururadaas isaga oo ku adkeystay in sirdoonada Maraykanka ee CIA iyo ka Yuuhuda ee Mosad ay yihiin xoogaga ka dambeeya ururadan argagixisada ah. Albashir ayaa sheegay in marka laga reebo Maraykanka iyo Israel ayna jirin cid kale oo faa’iido ku qabta kooxahan. Madaxweynaha ayaa cambaareyey siyaasada Maraykanka ee ku aadan dalalka Carabta iyo taageerada joogtada ah ee Maraykanku u fidiyo Israel. Waxaa uu xusay in xaaladaasi ay abuurtay dhalinyaro badan oo muslimiin ah oo ku biira kaooxaha mayalka adag. Bashir ayaa beesha caalamka ugu baaqay in la joojiyo taageerada wax uu ugu yeedhay “dawlada arggixisad ah” oo uu ula jeedo Israel. Madaxweynaha Sudan ayaa sheegay in taageerada aan xadka lahayn ee Marayknku siiyo Yuhuuda iyo sida Israel ula dhaqanto dadka reer Falastiin sabab u tahay in dhalinyaro badan u dhaqaaqado dhanka ururdaas. Hadalka Albashir ayaa u muuqda mid ay ka cadhaysin kara wadamada Marayknka iyo Israel, balse wali wax jawaab ah kama bixin. Sidoo kale, Albasshir ayaa ka hadlay xaalada gobolka Darafur ee dalkiisa iyo kacdoonadii dhawaan ka bilowday wadamo ka mid ah jaamacada Carabta. Hogaamiyaha Suudan ayaa sheegay in ISIS iyo Boko-xaram ayna wax xidhiidh ah la lahayn Islaamka