Burco: Meherado Canacsi oo Gubtay.

0
161

Burco (Waaheen) Abaaro 02:30 Habeenimo Ee Xalay ayaa Waxa Gudaha Magalada Burco Ee Xarunta Gobalka Togdheer ku Shuf-Beelay Meherado Ganacsi Oo isagu Jiray Macmacaanle,Bakhaaro,iyo Waliba Pharmacy.

 

 

Goobahani Ganacsi Ee Habeenkii Xalay ahaa ku Shuf-Beelay Magalada Burco ayaa ku Yiilay Agagarka Saldhiga Dhexe burco Waxaana la Shegay inuu Dabkasi Sabab u ahaa Laydhkii ku Xidhnaa Goobahaasi Ganacsi.

Aqoon-Yahan Cabdisamad Faarax ismaacil Oo Khadka Telephone Kula Soo Xidhidhay Shabakadda Calamiga ah Hadhwanaagnews ayaa Shegay inuu Markii Uu Goobtaasi ka Kacay Dabku Uu Sugnaa Waxaanu Fahfahin ka Bixiyay Qaabka Uu Goobtaasi Dabku Uga Kacay.

Waxaana ka Mid aha Hadalidisii Sida Tan “ Abaaro Markay ahayd 02:30 Habeenimo Xalay ayaa waxa Markaliya Uu Dab ka Kacay Suuqasi Ganacsi,Waxaanu Dabkii ka Kacay Goobtaasi Uu isla Markiiba u Fiday Goobihii Kale Ganacsi Ee ka Agdhowaa,Xili Danbe ayay Ahayd Markii ay Wakhti Dheer Gubanayeen Goobahaasi Ganacsi ayaa Waxa Goobtii Soo Gaadhay Damdamiska Dowladda Hoose Burco Waxaanu ku Gulaystay inuu Bakhtiiyo Dabkii ka Kacay Meheradaasi,Goobaha Gubtay Waxay Kale ahayeen Macmacanlaha Nasiiba,Laba Bakhaar Oo Lagu Iibiyo Qalabka Biyaha iyo Waliba Pharmacy Lagu iibiyo Murayadaha indhaha” ayuu Yidhi Aqoon-yahan Cabdisamad Faarax ismaacil.

Badhisabka Gobalka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa isagu isla Habeenkii Xalay ahaaba Booqday Goobtaasi Uu ka Kacay Dabku.

Ugu Danbayntii Waxa Mudoyinkii u Danbeyayba Magalada Burco Ku soo Badanayay Khasarayasha Uu Laydhku u Gaysanayo Goobaha Ganacsi iyo Waliba Guryaha,Waxaanay ahayd Dhawaan Markii Uu Dab Qabsaday Goobo Ganacsi Oo Baladhan Oo iyaguna ka Agdhowaa Saldhiga Dhexe Burco.