Golaha Amaanka oo Fadhi ka yeelanaya Xaalada Libiya.

0
83

Golaha Amaanka ee Qaramada Midowbay aya Qurshaynaaya Fadhi Looga Hadlaayo Xaalada Liibiya . Taasi oo La Filaayo in lagu Gorfeeyo Qaabka Wax Looga Qaban Karo Xoogaga ISIS ee Fadhiisimaha ka Samaystay Dalkaasi .

Salaasadii Todobaadkan ayaa Madaxwaynaha Dalka Masar Abdifatah Al Siiisi  uu Qaramada Midowbay uu u Gudbiyay Codsi ah in loo Fasaxo Dalkiisa in uu ku Sameeyo Liibiya Faragalin Militari ,

Sidoo kalena Qaramada Midwobay ay Ciidamo u Diraan Dalkaasi Liibiya Si Looga Hortago Waxa uu ku Tilmaamay Khatar Xoogan oo ka soo Socoto Dalkaasi .

Kooxda ISIS ee Dalka Liibiya ayaa Todobaadkii Tagay Soo bandhigtay Sawirada Dad U Dhashay Dalka Masar oo ay Meel Xeeb ah Qoorta uga Jarayaan . Taasi oo Keentay in Dalka Masar uu Duulaan Xoogan oo Xaga Cirka ah uu ku Qaado Goobaha ay ku Suganyihiin Xoogaga ISIS ee ku Sugan Dalkaasi Liibiya,

Dhanka kalena Waxaa isasoo Taraaya Haatan Cabsida laga Qabo in Xoogaga ISIS ay Awood ku yeeshaan qaarada Africa oo Markeedii Horeba la Tacaalaysay Dagaalyahanada Booko Haraam ee Ka Dagaalama Dalka Neijeriya , Taasi oo halis Keeni karta Hadii ay Labadaasi isku Xidhmaan .