Xisbiga Ucid Laantiisa Filand oo ay ku Biireen Taageeryaal Cusub iyo Munaasibad loo qabtay.

0
210

10944206_10152792316393925_716255623_n 10994702_10152792316608925_1499552182_n 10999142_10152792344158925_2001336782_o 11001071_10152792345233925_210276176_o 11002381_10152792347003925_931670203_o 11002891_10152792347463925_648674227_o 11003098_10152792346668925_1845889644_o 11004768_10152792347658925_328566177_nXisbiga Ucid Laantiisa  Filand oo ay ku Biireen Taageeryaal Cusub iyo Munaasibad loo qabtay.

Waxaa maanta kulan isugu yimid Xubno ka tirsa Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID laanta Filand oo ay ku soo biireen taageerayaa miisan culus kuleh wadanka filand Xubnahaas oo ay hogaaminaysay Gudoomiyaha Abaabulka Qaarada yurub Mr SAAMYA MUUSE waxa kale oo ka mid ahaa gudoomiye xigeenka xisbiga Mr ABDI YUUSYF iyo xigeenka waqooyiga yurub Marwo HODAN ADAN ABDI
Gudoomiyaha Waci galinta laanta filand MARWO IFRAAH MOHAMED OSMAN.

Waxa kale Sharaf noo ahayd in ay ka soo qayb galeen Shirkaas Masuuliyntii hore uga tirsanaanjiray Xisbiga Cadaalada Daryeela oo runtii ahaa rag Miisaan cus ku lahaa waqtigii ay hogaanka u hayeen Xisbiga Laanta filand
Waxaana ragaa ka mid ahaa

1-Mudane ISMAACIIL DIGAALE oo haa gudoomihii hore ee abaabulka laanta filand
2- Mudane XASAN CUMAR oo isna ahaa gudoomiye xigeenkii hore

iyo taageerayaal badan oo ku soo biiray Xisbiga oo isugu jiray Odayaal Dhaqameed iyo Dhalinyaro

Waxaa kale oo ka soo Qaybgalay Xildhibanad u sharaxan Doorashada Paarlamaanka yurub kana tirsan Xisbiga SDP da ee Wadanka Filand oo Xidhiidh wanaagsan laleh Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCUD Magaceeda layidhaa MIRKA VAINIKKA Waxanay balanqaaday in ay sii xoojindoonto Wada shaqaynta labada xisbi waa UCID IYO SDP oo katisan wadanka filand Waxa kale oo ay ka wada hadleen sidii wax uga wada qaban lahayeen ka hortaga cunsiriyadab iyo Sidii ay ugu soo badhigilahayd raadinta Citiraafka Somaliland Xisbiga ay ka tirsantahay EE SDPda

Waxaa uu shirkani ku dhamaaday Jawi aad u fiican waxana lagu balamay shirdanbe iyo Soo dhawaynta Gudoomiha Xisbiga FASAL CALIWARABE,
Marka uu ku soo laabto wadanka oo ku beegan 4.3.2015