Qodobbada Hablaha Lagu Soo Jiito. W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
2390

1)     Ammaanta: waa qodobka ugu culus ee gabadhu ku dareento farxad aan la soo koobi

karin. sowtii hore loo yidhi ” dumar nin ammaanaa leh”.

Isticmaal kalmadahan:

= qof kula qurux ah weli maan arag.

= aragaaga ayaa i farxad galiyey.

= qof aan adiga ahayn lama soo eegayo.

= dabeecadaada gabadh kale ma laha

= caqli iyo garasho ayuu ilaahay kugu manaystay

= qalbigaad dhex qaaday

= edeb iyo dhaqan fiican ayaad leedahay.

 

dhammaan kalmadahaasi waa qaar ay dumarkau ku raaxaystaan maqalkooda. waxayna ka turjumayaan ammaan xad-dhaaf ah, taaso gabadha gaadhsiinaysa meel aanay joogin.

 

2) Quruxda: waa qodob kale oo dhaqaajiya dareenka gabadha, markay maqasho qurux.

 

Isticmaal kalmadahan:

= wajigaaga iyo indhahaaga cid kaloo lehi ma jirto.

= markaad socoto waa la yaabaa

= dharkan waad ku soo baxaysaa

= dhoola-cadayntaada ayaa i soo jiidatay

= sedkan isku eeg ayaad ku qurux badan tahay.

= indho daraandar ayaad noqotay.

= ma cid quruxdaada gaadhi kartaa jirta

= qosolkaaga gabadh lehi ma jirto

= ninka ku helaa nasiib fiicanaa

= yaa ku heli kara adigoo kale

= indhahaygaad dawaysaa

= hooyonimo ayaad ku fiican tahay

= xafladan dadka jooga adaa ugu qurux badan

= ma qof laga jeesan karaa tahay

qodobadaasi waa dariiq toos ah, oo tagta gabadha qalbigeeda.

 

3) Xidhiidhka iyo tilifoonka: waa arrimaha aad u shaqaynaya casrigan, in lagu xidhiidho tilifoon.

 

 

 

Isticmaal kalmadahan:

= maxaad ila soo hadli weyday, waan ku sugayey

= tilifoonkii soo dhaca adigaan ku moodayey.

= lambarkaaga waan ku hadaaqaa

= caawoo dhan ayaan tilitoonkaaga garaacayey

= beerka ayaa i lulmay, markaan ku soo garaacayey

= maxaa helay, ayaan is idhi markaan ku waayey

= haddii tilifoonku kaa lumo, ii soo sheeg

=tilifoonka kuma kala boganayno

= SILIENT ha galin tilifoonka, si aanan ku waayin

= fariin aanan iloobi karin, ayaad ii soo dirtay.

waa kalmado ku reeba xusuus dheer gabadha, oo waliba ku sawirma qalbiga.

 

4) Jacaylka: waa qodob kale oo ruxa-qalbiga gabadha:

 

Isticmaal kalmadahan:

waxaad tahay gabadha aan ku indho-kuusho

= markasta waan kaa fikiraa

= noloshayda adaa ugu mihiimsan

= jacaylka aan kuu qabo, erayo kuma soo koobi karo.

= aad baan kuu jecelahay

= xusuustayda marna kama baxdid

= hadyadan ayaan kuu soo xulay

= eegmadaada ayaan la dhacay

= kaftan wanaagsanidaa

= gaarinimada ayaan kugu jecelahay

= indho-jacyl ayaad leedahay

waa erayo miisaan culus leh, oo soo jiita gabadhaha.

 

4) Aragtida hore: waa qacda hore iyo baabah.

 

Isticmaal kalmadahan:

socodka qurxoon ayaan kugu gartay

= lebiska quruxda badan ayaan kugu aqaan

= jaleecada farxada ku dheehan tahay, waa taadii

= dhererka iyo dhoola-cadaynta, ayaa i dhexqaaday

= aragtidaada gawaadhida is jiidhi gaadhay

= yaa heli kara, ayaa la is weydiiyey

= hadal macaan ayuu ilaahay ku siiyey

= markaan ku arko ayaan farxad kala qaboobaa

= halkey gashaa, ayaa lagu waashay

= waji-furnaanta waa nimco kuu gaar ah.

dhammaan kalmadahaasi waa kuwa ugu sareeyey ee taabta quluubta gabadha.

 

 

6) Salaanta iyo wada jooga: ka fiirso erayada iyo qaabkaad ku dhaqmaysid.

 

Isticmaal kalmadahan:

weji furan

= dhoolcadayn

= qosol dibnaha ah

= walaalo, ma fiican tahay

= aad baan ugu farxay, inaan ku arko

= malaha waad soo daashay, sharaab ayeynu wada cabi

= aad baan u jeclaystay, inaan kulno

= waa wakhti qiimo leh, hadaynu wada joognaba

= markaan kula joogo, cuntada si fiican ayaan u cunaa

= sheekooyin macaan, ayaan kuu hayaa

= naftu ha tegin, ayey i leedahay

= hadii tilifoon kugu soo dhaco, waxaad tidhaa” qalbigaygii ayaan wada joognaa”.

= cuntada dookhaaga inoo door

= adna inoo sheekee, waan yara xiiqaye.

 

7) Luuqada jacaylka.

a) ficil ku muujin:

hawsha guriga ka socota ayaad la qabanaysaa, adigoo u sheegaya inaad ula qabanaysid jacayl aad u qabto awgii.

 

b) Hadal ku muujin.

waa adigoo isticmaala hadallo macaan oo gabadhu ku raaxaysato. isticmaal eraydan:

= macaaneey

= qalbigaygiiyeey

= hadal macaaneey

= xiisahaygu kaama go’o

 

c) Wakhti ku muujin.

waa adigoo, wakhtigaaga qaaliga ah siiya la jooga gabadha aad jeceshahay. waxaad qorshaynaysaa wakhtiga, adiga kuugu fiican, ee aad u aragto inuu munaasib yahay.

 

d) Hadyad ku muujin.

waa adigoo adeegsada lacag fara badan. waxaad u keenaysaa gabadha hadyado kala duwan amma kala qaalisan.

waxaad qorshaynaysaa lacag u gaar ah hadyadaha.

ka fiirso noocyada hadyadaha ee gabdhuhu jecel yihiin.

 

Qallinkii: cali cabdi coomay

suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

Hargeisa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

 

F.G: Fadlan dhinaca  wanaagsan u adeegso.