Wafti Reer Buuhoodle Ah Oo Ku Soo Waajahan Hargeysa Iyo Quud Darayntooda Xilka Qaadista Wasiirka Caafimadka

0
15

Hargeysa(Waaheen)-Wafti ka socda Buuhoodle isla markaasna soo martay magaalooyinka Burco iyo Berbera ayaa ku soo waajhan magaaladda Hargeysa, wuftigan ayaa wararka laga helayaa ay sheegayaan inay u socdaan inay kulan la yeeshaan madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Waftigan waxa hogaaminaaya sida ay wararku sheegayaan labda ganacsade ee kala ah Cabdirisaaq Cismaan Maxamed “ Dhego Fiiq” iyo Maxamed X. Cabdi Muus iyo rag kale oo siyaasiyiin ah, waxaana warar hoose oo Waaheen halaysaa ay sheegayaan in waftigani ay u socdaan sidii madaxweyne Siilaanyo ay uga codsan lahaayeen inuu u badalo wasiir Saleebaan Xaglatoosiye oo ka soo jeeda deegaankooda, kaas oo ay ku eedaynayaan wax u qabasho la’aanta deegaankaas.

Waxaanay wararku intaas ku darayaan in kursiga wasiirka caafimaadka uu quud daraynaayo nin loogu yeedho Yaasiin Sulub oo wasiirka arimaha gudaha ka soo noqday kooxda Khaatumo wakhtigii Indha Sheel,Waftigan ayaa la dhawrayaa kulanka ay la qaadan doonaan madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo sida uu uga fal celiyo soo jeedintoda.