Ciidamada Puntland Iyo Al-shabaab Oo Boosaaso Ku Dhex Dagaalamay

0
59

Bosaaso(Waaheen) – Taliska Ciidamada Booliska Puntland iyo kan Qaybta Booliska Gobolka Bari ayaa saaka soo bandhigey maxaabiis ay ku soo qabteen dagaal xalay dhexmaray maleeshiyaad Shabaab ah iyo ciidamo ilaalada magaalada Boosaaso oo ku sugnaa bar kantarool oo badhtamaha magaalada ah.

 

Sidoo kale talisku waxay soo bandhigeen Maydadka labo qof oo ku geeryooday dagaalka oo sida ciidanku sheegay ka tirsaan maleeshiyada dagaalka soo qaaday, Hub kala duwan iyo Gaadiid ay wateen.

taliye

Taliyaha Ciidamada Puntland Gen Maxamed Saciid Jaqanaf ayaa faafaahiyey qaabka ay wax u dhaceen isagoo xusay in kooxdan Al-shabaab ay isu qaybisay labo, qayb weerarka soo qaaday iyo qayb gurmad ku timid wuxuuna sheegay in ay ku dileen weerarka koowaad mid ka mida Al-shabaab.

Gen Jaqanaf ayaa sheegay in kooxdu ay ku baxsatay gaadhi NOHA wuxuuna sheegay in ciidamadu ay caydhsadeen ilaa uu gaadhigii uu watay gadoomay halkaan uu ku dhinta mid ka mid afar qof oo saarnaa Gaari, saddexda kale ayuu sheegay in dhaawacyo fudud soo gaaray shacriga la horkeenayo.

Taliye Xigeenka Ciidamada Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in ragan ay gacan ka helaan   iyo dad ku sugan gudaha Puntland wuxuuna sheegay in dhamaantood ay cadow ku yihiin nabada Puntland, Wuxuu sheegay in ay ciidamadu si cad u baarayaan xaafadah, hoteelada iyo gaadiidka cidii lagu ogaadana gacan siinta Al-shabaab in ay talaabo ka qaadayaan.