BERBERA OO HESHAY LAYDHKII UGU JABNAA ABID SOMALILAND IYO SOMALIA.

0
77

berMagaalo xeebeedka Berbera ayaa in badan ka qaylisay laydh qaaliya oo ay isticmaalaan taas oo bulshada ku dhaqan berberi ay aad ugu adkayd inay helaan laydh jaban oo cidkastaa gashan karto.

Waxa bilihii u dambeeyay magaalada Berbera ka socday qorshe lagu midaynayo shirkada LAYDHKA EE TAYO iyo shirkada laydhka ee dawlada halkaas oo ay natiijadii u dambaysay noqotay in la mideeyo join venture laga dhigo shirkada laydhka iyo shirkada TAYO ENERGY iyadoo loo danaynayo bulshada ku dhaqan berbera.

Waxa dadkii ku noolaa Magaalada Berbera u qaadan waayeen qorshihii ahaa in loo qaraaci doono unitkasta 0.7 $ centi waxa isla bishii shirkada tayo la wareegtay wakaaladii laydhka loo qaraacay cidkasta oo ku nool magaalada BERBERA QIIME DHAN 0.7O CENT taas oo farxad galisay dhamaan bulshada ku dhaqan magaalada Berbera , talaabadan ayaa noqonaysa mid ka mida horumarka ay ka gaadhay magaalada berberi xaga laydhka , mid ka mida dadkii isticmaali jiray oo magaciisa ku soo koobay MUUSE ayaa wax ka idhi laydhkii hore iyo kan dambe qiimaha u dhexeeya waxaanu idhi sidatan:-

Waxa aan u qaadan waayay markii lay keenay biilkii laydhka ee invoiceka waxa aan u qaadan wayay qiimaha lay keenay ee ah mid aanan filayn , waxaan aad ugu mahadnaqayaa cidkasta oo gacan ka gaysatay qorshahan qiimaha badan ee ay dawlada iyo shirkadu ku wada shaqaynayaan , isagoo Muuse hadalkiisa sii wata waxa uu idhi Laydhku waa mid ka mida aasaaska nolosha marka la joogo meel xeebana waxa uu ka mid yahay baahida 3aad ee loo baahdo, markaa markii hore laydhku wuxuu ahaa qaali laakin maanta cidkastaa waa ay awoodi kartaa inay gashato laydh jaban iskana bixiso kaas oo leh adeeg fiican .

Waxaanu Muuse hadalkiisii ku soo koobay sidatan waxaan Ilaahay idiinka baryayaa inuu idiin fudaydiyo hawsha qaran ee aad wadaan kuna guulaysataan markasta.

Mar aan wax ka waydiiyay Maamulka laydhka ee magaalada Berbera ayaa waxay ku jawaabeen shaqadani waa shaqo aanu ugu adeegayno dadkayaga , waa qorshe aanu ugu danaynayo dhamaan bulshada ku dhaqan Berbera, waa qorshe aanu rabno inaanu sii kordhino dadaalkayaga,aqoontayada, iyo awoodayadaba taas oo aanu gaadhsiino ilaa inta reer berberi helayaan laydhka ugu jaban geeska Africa ,taasna waan ku jirnaa qorshaheeda, waxaanu halkan ugu gudbinaynaa dhamaan bulshada reer Berbera in aanu markasta diyaar u nahay inaanu idin siino laydh jaban iyo adeeg deg-dega, waxaanu ka codsanaynaa inaynu ka wada shaqayno wixii danteena ah ee aynu wax ku qabsan karno .

Waxa qorshaha ugu jira maamulka cusub ee wakaalada laydhka ee Berbera in laga dhigi doono sanadaha soo socda 0.5 cent UNITKASTA dhamaaan laydhka Berbera oo dhan.

Qorshahan ayaa noqonaya mid raali iyo farxad galiya dhamaan bulshada ku dhaqan reer Berbera waxaanay noqonaysana talaabadii ugu wanaagsanayd ee laga hirgaliyo abid somaliland, sida aynu ognahay Hargeisa waxa ka hawl gala shirkado badan oo laydhka ka shaqeeya mana jirto shirkad ay laydhkeedu ka yar tahay 1$ bal hadaba sidee ayay kula tahay in berberi hesho laydh jaban oo adeegiisu sareeyo taas jawaabteeda waxaan uga baxaya cidkasta oo akhrisata warkan farxada badan.

 

Berbera waxay maanta haysataa laydh unitkiisu yahay 0.70 unitkasta waxaanay haysataa laydhka ugu jaban dhamaan meelkasta oo ka mida somaliland taasna waa talaabo ka mida talaabooyinka horumarineed ee ay gaadhay somaliland iyo dawlada uu hogaaminayo MUDANE Ahmed Maxamed maxamuud siilaanyo.

Waxaanu ku soo koobayaa anoo ah dadka ka shaqeeya hawlaha horumarineed ee magaalada Berbera markastana ku faraxsan horumarkasta oo ay gaadhay berberi aynu soo dhawayno talaabo kasta oo horumarkeeda la arkayo sida laydhka oo kale.

Waad mahadsan tihiin.

 

Muxiyadeen Abdi

Wariye madax banaan.

063-4054384

Berbera

batalaalefish2015@hotmail.com