Arrimaha Bulshada: Fadlan Casuumadaha Ku Qabta Goobaha ay Masaakiintu Hambadiina ka Heli Karto !

0
93
Ninka Dibiga Qalayee
Dibjirkii ka Qadiyee
Ka Dibiray Casuumoow
Duco Kuuma Soo Hoyan(Abwaan Aadan Tarabi)

Asalaamu Calaykum

Run ahaan Waajib ayay Dhamaanteen ku tahay in aynu si Joogto ah Bulshadeena ugu Wacyi Gelino wax kasta oo Wanaagu ku jiro oo inagu hagaya Jidka Toosan ee If iyo Aakhirba lagu Liibaani karo, aad ayay Muhiim ugu tahay Horumarka iyo Guusha Nolosheena in aynu mar kasta indhaha Ummadeena ku soo jeedino kuna baraarujino in la Saxo khaladaadka jira, si oo loo dhiso Bulsho Caafimaad qabta, Isku Kalsoon, Isu Naxariisata oo Cadaalad ku wada Noolaata si fiicana u fahamta Xikmada uu Allah inoo abuuray iyo Waajibaadka ina saaran ee loo baahan yahay inaynu gudano Maalmaha yar ee aynu Dunida guudkeeda dul joogno, iyada oo Qof kasta oo Bulshada ka mid ahi Xukuumad iyo Shacbiba ay Waajib ku tahay inuu ka shaqeeyo Isu Naxariisashada, Is Kaalmeynta, Isu Samo-falida iyo Iska Waaninta kolba wixii khalad ah ee Jira iyada oo la isu waaninayo si Akhlaaqda waafaqsan.

Hadaba Hadii aan Hoos ugu soo dego Nuxurka Maqaalkayga waxa maalin kasta aynu aragnaa Xaflado iyo Casuumado Balaadhan oo kala nooc-nooc ah oo Huteelada waaweyn ee Magaalooyinkeena ay ku samaynayaan Dadka Hantida Leh, Kuwa Ladan ee Tijaarta ah, iyo Kuwa uu Allah Awoodda Maamul uu u dhiibay ee Xilalka kala duwan ee Qaranka haya qaarkood, waxaana had iyo goor ay Bulshadu ka daawataa Laamaha Warbaahinta ee kala duwan Sawirro iyo Warbixino joogto ah oo sheegaya Casuumad Sharafeed aad u Balaadhan oo loo sameeyay Hebel iyo Hebel oo ka yimi meel Heblaayo, ama Hebel iyo Hebel oo Xil Hebelaayo haya.. ama reer Hebel oo Huteel Heblaayo Casuumad Balaadhan ku qabsaday! Sida Xaqiiqdu tahay waa Dhaqan soo jireen ah oo sax ah in la Is Casuumo oo qofka Martida ah ama Dal kale kaaga yimi aad Sooryeeyso, waxaana Casuumadaha iyo isa soo dhawayntu ay wanaajisaa xidhiidhka ka dhexeeya Mujtamaca.

Arrinta aynu halkan kaga hadlaynaa maaha Yaan la Is Casuumin oo aan la isa soo dhawayn, waxa aynu ka hadlaynaa kala fogaanshaha inagu dhacay ee ay sii kala durkayaan Fuqarada iyo Dadka Ladani iyo sida Casuumadaha wakhtiyadan la qabtaa ay guud ahaan u Khilaafsan tahay Casuumadihii iyo Ducooyinkii aynu qabsan jiray Ummad ahaan beryihii hore, casuumadahaas oo wada gaadhi jiray Fiqiir iyo Taajirba. Bal tusaalahan hoose u fiirso, kana feker sidii aynu wax uga bedeli lahayn dhaqankan faasidka ah ee soo galootiga Ummadeena ku ah.

“ Ballantu waxay ahayd inaan ka qaybgalo Casuumad uu noo fidiyay Saaxiib Qaali ahi, waxaanay Saacadu ku dhowayd Kowdii Duhurnimo, Goobta xaflada casuumadu ay ka dhacaysay waxa uu ahaa Huteel ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee ku yaalla Caasimada Hargeysa, run ahaan gelistiisa ayaaba wakhti qaadatay, qof kastana gaadhigiisa ayaa la baadhayay, waa Huteel aanuu qof Miskiin ahi hawaysan karin inuu soo galo, waxa aan suurto gal ahayn in xataa qof Diif ama Duruufi ka muuqato inuu soo galo, Miskiin tuugsanaya iyo qof baahani ma aha meel ay hawaysan karaan inay soo dhex galaan, dadka meesha marayay ee casuumadan joogay waxay badankoodu ahaayeen dad ladan oo si fiican u heli karayay nolol maalmeedkooda, wakhti yar oo kooban ayaa Cuntooyin nooc kasta ah miisaskii lagu goglay, wax badan iyada oo aan la cunin oo cuntadii Miisaskii ka buuxdo ayaa qof kastaa faro-xashay, waxaana indhahaygu ay qabanayeen Saaxiibaygii Casuumada sameeyay oo lacag xoog leh bixinaya” Arrintii ugu horreysay ee markiiba Maskaxdayda ku soo dhacday waxay ahayd Tolow Cuntadan meesha ka buuxda Masaakiintii Suuqa dhex joogtay yaa gaadhsiiya, Tolow miyaa loo baahnaa Casuumada sidan ah? Ma dhici karaysay in Saaxiibkay si ka sii fiican uu noo casuumi lahaa oo uu Gurigiisa Casuumada noogu samayn lahaa si deriska iyo masaakiinta u gaadho, ma jiri kari lahaa Hudheel kale oo masaakiintu ka ag dhawaan lahaayeen? Run ahaan aniga oo aan dareensiin waxa maskaxdayda ka guuxayay ayaan halkii ka dhaqaaqay. Way ii haboonayd inaan saaxiibkay dareensiiyo laakiin way ila noqon weyday xiligaas, run ahaana Mahadnaq weyn ayaan ugu hayaa Qadarintaas iyo Casuumadaas uu igu sharfay aniga iyo saaxiibada kale, waxaana uu isagu noo sameeyay Casuumad uu isagu nagu Sharfay oo Gobanimo lahayd.

Halkee ayay Masaakiintu ka Joogtaa Casuumadaha sidan ah ee lagu Qabto Hudheelada waaweyn? Miyaanay If iyo Aakhriba inoo Haboonayn in Guryaheena ama Meelaha ay masaakiintu soo gaadhi karaan aynu casuumadaheena ku qabsano, maxaa inoo diidaya inaynu Neefaf Adhi ah soo iibino kuwaas oo Martida iyo Masaakiintuba wadaagi karaan, imisa Guri oo inala deris ah ayaan dab shidan oo carruurtoodu ay gaajoonayaan? Miyaan Allah ina weydiin doonini Dadka Foqorada ah ee Xaafadaha aynu deggenahay inagula nool ee aan haysan waxay cunaan? Deyrarka waaweyn ee guryaheena ku daboolani ma aha inay ina ilowsiiyaan Duruufaha Qadhaadh ee danyarta inala deggan ee u baahan inaynu gacan qabano.

Walaalayaal ma Haboona in Qolyo dhergay oo Ladan oo aan u Baahnayn aynu Casuumado iyo Xafalado uu Kharash badani uu ku baxo ugu Qabano Hudheelada Daboollan ee aanay Danyarta iyo Masaakiintu madaxa soo gelin Karin. Waxaa loo baahan yahay in aynu Mar kasta maanka ku hayno Dadka Saboolka ah ee Danyarta ah ee la Legdemaya Duruufaha Nololeed ee Cidhiidhiga ah, Hooyada iyo Aabaha baahan ee habeen iyo maalinba ka werweraya sidii uu usoo heli lahaa Raashin yar oo Carruurtiisu ay Maanta ama Berri cunaan, ama wax uu daawo u siiyo Ilmahooda xanuunsanaya. Allaha Awwoodda Badan waxba kuma aha in qof kasta oo inaga mid ah uu Gacanta u Geliyo Hanti balaadhan ama Xukun iyo Xil Qaran, hase yeeshee Raxmaanka Awwoodda lihi wuu isku keen eegayaa, waxaana uu inaga doonayaa inaynu noqono dad isku Naxariista oo aan Kibrrin oo ogsoon qofkooda Danyarta ah ee Baahan.

Ugu danbayn Fadlan haddii aad tahay qof uu Allah hanti yar siiyay oo Awwoodi kara Tobon daqiiqo ka Fikir cid aad ka Farxiso Maanta oo Deriskaaga ah, ama Xaafadaada ah, Ama Qaraabadaa ah, ama Asxaabtaada ah oo Dan yar ah oo baahan, Fadlan imika dhaqaaq oo ka soo Farxi oo u gee waxaad Awooddi karto. Waxa Hubaal ah in Allah If iyo Aakhriba kuu Naxariisan doono, Allah waxa uu kuu furi doonaa Albaabada Raxmada, waxaana uu kuugu bedelli doonaa wax ka khayr badan waxaad bixiso. Fadlan u fiirso dadka baahan ee hareerahaaga socda una qabo wax kasta oo aad u qaban karto.

Waad Mahadsan tihiin

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
kaysar@diplomats.com