Xisbiga Ucid Oo Madaxweyne Siilaanyo ugu Baaqay In uu Xilka ka Xayuubiyo Wasiirkiisa Ciyaaraha

0
71

“Wasiirka Ciyaaruhu waxaa uu ku fashilamay Shaqadii uu qaranka u hayey, waxaa uu ku Fashilmey Qabashadii Ciyaaraha Gobolada, wuxuu sii xoojiyey Qabyaaladii Dhalinyarada Dhexdooda”

Hargeysa(Waaheen) Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid, ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu Baaqay in uu Xilka ka qaaddo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ay sheegen in uu ku fashilay Xilkii uu qaranka u hayey.

Sidaasi waxa lagu sheegay Warmurtiyadeed uu XisbigA Ucid uu soo saaray kuna Saxeexan yahay Xoghayaha War-Faafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse.

Warmurtiyeedka Ucid: Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID waxaa war-murtiyeedkan ka Soo saarey Qaabkii Xukuumaddu u maamushey Dhacdooyinkii Wiigii u Danbeeyey Caasimada Hargeysa ka socdey ee Arimihii Dhalinyarada kana Dhasheen Dilka iyo Dhaawucuba
Hadaba Xisbiga UCID waxaa uu ka soo horjeedaa Dhamaan wax kasta oo Nabadgalyadda ka Hor imanaya.

Xisbiga UCID waxaa uu u Arkaa Xabada, Xadhiga iyo Dilka Dhalinyaradda JSL Baaqigii ka Hadhey Tahriibka iyo ku Dhimashada Saxaraha in Ay Tahey ( Xasuuq La Xasuuqayo Dhalinyaradda JSL ).

Sidoo kale Xisbiga UCID Xal uma Arko Xabadda Xaasidnimadda ah ee Beerka lagala Dhacayo Mustaqbalkii Barito ee Dalkan Maamulilahaa Sidoo Kale waxaa uu Qabaa in Dhalinyaradda la jiheeyo loona Sameeyo Shaqo Abuur, Xirfaddo (Vocational Training) iyo In Dhalinyarada loo Sameeyo Tartano Kubadeed ama Ciyaaro Heerar Walba leh.

Xisbiga UCID waxaa uu la yaaban yahey Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha JSL Cali Siciid Raygal waxaa uu u Madaxweyne Siillaanyo Xilka uga Qaadi Layahey ee uu Ka Dugsanayo waayo waa wasiir ku Fashilmey Dhamaan Shaqadii loo Doortey Tusaale ahaan
1 waxaa uu kala Qaybiyey Dhalinyaraddii JSL
2 waxaa uu ku Fashilmey Qabashadii Ciyaaraha Gobolada,
3 wuxuu sii xoojiyey Qabyaaladii Dhalinyarada Dhexdooda
4 wuxuu kala direy xidhiidhadii Ciyaaraha Markuu Waziirka Noqdeyba
5 wuxuu dhiiri-galiyey in Somalia ay u shaqo tagaan kuwii madaxda ka ahaa Xidhiidhada oo uu ugu horeeyo (Gudomiyihii xidhiidhka kubada Cagta Somaliland)
6 Waxaa Sababtiisa u Maqan Orodyahano Qaali Ku Ahaa JSL oo Maanta Ku Jira Orodyahanada Somalia u Orda Magacna u Soo Hooyey dawlada aynu Jaarka Nahey Ee Somalia
Sidaa Awgeed Xisbiga UCID Waxaa uu Soo Jeedinayaa In Si Deg Deg Ah Looga Qaado Xilka Wasiirnimo isla Markaana Loo Magacaabo Nin Dhalinyaro Ah oo Fahmaya Waxa Dhalinyaradu u Baahan Tahey, Sidoo Kalena u Fikiraya Sida Dhalinyaraddu u Fikireyso
Ugu Danbeyntii Xisbiga UCID waxaa uu Xuukumada ugu Baaqayaa In Dhalinyaradda Loo Sameeyo Qorshe Lagu Jiheynayo Sida Shaqo Abuur,Xirfado kala Duwan, Ganacsi Yar Yar,Ciyaaro Kala Duwan iyo In Loo Fududeeyo Dhaqaalaha La qaado Dugsiga Sare ilaa Heer Jaamacadeed

Allaa Mahad leh
Xoghayaha War-Faafinta Xizbiga UCID
MD: YUUSUF KAYSE ABDI-LAAHI