Warka Markabkii Hubka Lagu Qabtay Oo Labadii Todobaad Ee U Danbeeyay Ahaa Ka Loogu Hadal Haynta Badan Yahay

0
96

Hargeysa(Waaheen)-Warka markabkii hubka lagu qabtay ayaa labadii todobaad ee ugu dambeeyay ahaa warka loogu hadal haynta badnaa Somaliland.

Qaybaha  kala duwan ee shacabiga Somaliland ayaa ahaa kuwo si aad ah u hadal hayay isla markaasna isha ku hayay wararka markabkii ganacsi ee hubka lagu qabtay ee Mv Shaakir.

Markabkan ayaa siday agabka ciidamadda oo kala duwan kuwaas oo isugu jiray gaadiid dagaal oo gaashaaman,kuwa ciidamadda lagu qaado,doon  iyo hub intaba, hadaba shacabiga Somaliland ayaa siyaabo kala duwan u arkaayay markabkan hubka siday oo aan ugu horayntii la aqoonsan dalka rasmi ahaan u leh hubkan iyo halka uu u socdayba.

Inta badan dadka sida weyn uga doodayay markabkan iyo hubka lagu qabtay ayaa u arkaayay qaniimad u soo gacangashay Somaliland waxaanay qorshaynayeen in saanadaas ciidan dalku uu la wareego lana galiyo gacanta ciidamadda qalabka sida ee Somaliland, halka dadka qaarkii ay u arkayeen hub aan ujeedadiisa la garanayan ayna haboontahay in baadhitaan dheeri ah lagu sameeyo.

Sida oo  kale waxa soo shaacbaxay is dhexyaac dhanka maamulka ah waxaana si siman warkan markiiba uga hadlay wasiiro uu ugu horeeyay wasiirka arimaha gudaha iyaga oo ku xigay wasiirada kaluumaysiga,gaashandhiga,arimaha dibada iyo wasiir ku xigeeno, hadalkaas is barbaryaaca ah oo dad badani ay u arkayeen mid muujinaaya in aan xukuumaddu ahayn mid wada socota.

Wasiirka arimaha gudaha Cali Warancade ayaa hubkaas kaga dajiyay markabkii uu saarnaa dekeda Berbera kuna dhawaaqay inay Samaliland gacanta ku haynayso, saacado yar uun kadib ayaa madaxweyne Axmed Siilaanyo hubkaas fasaxay kadib markii dhigiisa dalka Sudan ay warqad uga timi taas oo lagu sheegay in hubkaas dalka Sudan leeyahay loona waday carwo ganacsi oo Imaaraadka carabta ka dhacaysay, arintan oo mar kale daaha ka sii fayday wada socod la’aanta laamaha xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo.

“Inaksta oo haatan u eegaaday warka markabkaasi mid sii damaaya hadana in badan oo shacabka Somaliland ka mid ahi waxay u arkaan in ay haboonayd in hubkaas uu dalku la wareego.”

“Markaanu Xaqiijinay In Uu Markabkaasu Ku Sacdo Macdaar Ku Yaala Dubai Ayaanu Fasaxnay.”Wasiirka Arimaha Dibada

Hargeysa(Waaheen)-Wasiira arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay fasaxeen markabkii hubka lagu qabtay kadib markii madaxweynaha Suydaan uu warqad u soo diray madaxweynaha Somaliland.

Sida oo kale wasiirku waxa uu sheegay inay ka dhaafeen ganaaxii maxkamadda ee markabkaas lagu soo rogay, laguna celin doona hubka oo loo waday macdaar Dubai ku yaala.

Waxanau sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay wasaarada arimaha dibada “Markabkani dalka uu soo galay waxa uu siday hub, waanu aragnay oo waanu qabanay masuuliyad ayayna iska saareen wasaarada daakhiliga iyo sirdoonkeedu, waxa la soo xidhiidhay Somaliland madaxweynaha dalka Sudan markaanu xaqiijinay in uu markabkaasu ku socdo macdaar ku yaala Dubai iyada oo aan dacaayado badan oo aan munaasab ahayn laga sheegay, waxa uu madaxweynaha Somaliland go’aansaday inuu tixgaliyo warqadii uu soo diray madaxweyne Bashiir sidaas ayaanu ku fasaxnay markabkii, waa dawlad aanu walaalo nahay, jaar nahay oo aanu saaxiib nahay arday badan oo Somaliland ahina ay jaamacadahooda wax ku bartaan, mar hadii cilaqaad wanaagsan uu naga dhaxeeyo ganaaxii maxkamaddana waanu ka dhaafnay waanu sii daynaynaa oo waa uu baxayaa.”