Wasiirka Ganacsiga Oo Sheegay Inay Tahli Waayeen Xakamaynta Shirkadaha

0
60

Hargeysa(Waaheen)-Wasiirka ganacsiga Somaliland Muuse Qaasim Cumar, ayaa ku dhawaaqay inay tahli waayeen xakamaynta shirkadaha shidaalka dalka keena waxaanu soo jeediyay inay muwaadiniintu is xilqaamaan oo ay dalka keenaan shidaal jaban.

Wasiirku waxa uu sheegay inuu la socdo in foostada shidaalka ah ay caalamka ka gaadhay meel kontan dolar ka hoosaysa hadana Somaliland foostada shidaalka ah shirkaduu ay siiyaan 150 dolar. Waxaanu sidan u sheegay warbaahintu mar ay wax ka waydiisay shidaalka dalka ee aan ka caalamka la socon, waxaana isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Waa run in uu shidaalka caalamku hoos u dhacay, markii uu ugu qaalisanaa batroolku waxa foostada la siin jiray 175 dolar, imika oo uu jabay oo aan hubo inuu kontan dolar hoos uga dhacayna waxay siiyaan foostadii 150 dolar, waxaan arkayaa in aan sibadal weyn halkan ka dhicin, horena umaanu heli jirin infaysyada ay wax ku soo iibsadaan imikana noomay keenin, suuqa ay ka soo iibsadana garanmaynee waxay leeyihiin waxba nagama jabin.shidaalku cidna uma xidhna anigu waxaan aaminsanahay in cidii muwaadiniin ah ee shidaal jaban keenaysa inay u furan tahay oo loogu shubaayo haamaha muwaadiniinta ta u jaban uunbaa la qaadanayaa.”