Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Oo Ugu Baaqay Beelaha Awdal Ilaalinta Nabadgalayada

0
90

Borama(Waaheen)-Ugaaska beelaha Gadobuursi Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, ayaa ugu baaqay beeshiisa in nabad galayada la ilaaliyo, isla markaasna laga shaqeeyo horumarinta deegaanada beeshaasi ay degantahay.

Ugaaska ayaa sida oo kale sheegay in shirkii dooxada Gob ee beeshiisa lagu raadinaayay midnimada beesha iyo sidii dhanka horumarka loogu jihayan lahaa.

Ugaasa waxa uu sidan ku sheegay waraysi uu siiyay shabkada Boramanews, waxaana isaga oo arimahaas ka hadlaayay uu yidhi “Aad iyo aad ayaan uga mahadnaqaynaa sida wanaagsan ee lay soo dhaweeyay, waanagii ka qaybgalnay shirkii GOB waanatii si fiican loogu wada hadlay, qodobka ugu waa weynaa waxa ka mid ahaa sidii beelaha Gadobiirsi ay u midoobi lahaayeen, waxa sida oo kale aanu ka wada hadalnay in nabada la ilaaliyo, in deegaanada Gadobiirsi la ilaaliyo oo xuduudii Ingiriisku a tagay la ilaaliyo, in deegaanada Gadobiirsi si wan looga hawl galo sidii kaabayaasha dhaqaale loo hagaajin lahaa, hawlahaas aan ka wada hadlanay hala fuliyo oo kuwo midho dhal ah halaga yeelo, oo wada jir aynu wax walba ku doono.”