Tartanka Kubadda Cagta ee Jaamacadda Abaarso Tech oo la soo Gabagabeeyay

0
234

Abaarso Tech University 234344Tartan ciyaareed xiiso badan oo kubada cagta ah oo muddo bil ah socday, una dhaxeeyay kuliyaddaha Jaamacada Abaarso Tech ee magaalada Hargeysa, shalay lagu soo gabagabeeyay garoonka kubadda cagta ee Power League.  Tartankan ayaa ka qaybqaadanayeen 6 kooxood oo ka socday dhammaan kuliyaddaha ay jaamacaddu ka kooban tahay.

Tartan ciyaareedkan oo ahaa mid aad u xiise badan ayaa ugu danbayntii ay iskugu soo baxeen labadda kooxood oo ka kala socday kuliyadda IT-ga iyo Biomedical ka ee Jaamacadda Abaarso Tech, waxaana ka soo qaybgalay maamulka oo horkacayo guddoomiyaha Jaamacaddu Dr. Axmed Xuseen Ciise, maamulka kuliyaddaha, macalimiinta, ardaydda iyo dadweyne tiro badan oo xiiseeya daawashadda ciyaaraha.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiise badan ayaa labadda kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar heerkooda farsamo aad u sareeyo. Waxaana ugu danbayntii ay guushu ku raacday kooxdii ka socotay kulliyadda IT-ga ee 3-2 kaga badiyay kuliyadda Biomedical Sciences ka. Kuwaas oo halkaas koobkii lagu guddoonsiiyay. Waxa sidoo, halkaasi abaalmarino lagu guddoonsiiyay kabtankii ugu wanaagsanaa, ciyaartoygii ugu wanaagsanaa iyo iyo gool-hayahii ugu fiicnaa.

Abaarso Tech University33321

Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso Tech Dr. Axmed Xuseen Ciise oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ugu horrayn u mahad celiyay maamulkii, macalimiinta iyo ardaydda sida-wadajirka tartankan hirgalintiisa uga shaqeeyay, waxaanu guddoomiyahu sheegay

Abaarso Tech University sports

o kalena waxaa uu Mahad Celin Balaadhan u sameeyey Dhamaan Hawlwadeenadii  Jaamacada Abaarso tech ee soo waday tartankan Mudada sopcday sidii ay ugu Dhabar Adaygeen Hawshaasi ku Dhiiri galinta Dhalinta Dhalinyarada ee Ciyaaraha Kubada Cagta waxaana hadalkiisa uu ku Bilaabay sidan: “Waxaynu ogsoonahay in ciyaarahu yihiin waxyaalaha ugu muhimsan ee ka qayb-qaata jidh-dhiska, iyo maskax-dhiska; caqliga wanaagsani uu ku jiro jidhka caafimaadka qaba. Maantana waxaaba soo raacayba in aynu ogaanay in caafimaadka iyo sports ku ay isleeyhiin. Cudduradda maanta dadkeena ku dhaca waxa ugu badan kuwa ka yimaada fadhiga faraha badan iyo jimicsi la’aanta. Aadbaan ugu faraxsanahay in Abaarso Tech ay soo agaasinto tartanka bisha socday ee ay ka qaybgalayeen 50 ciyaartoy. Aadbaan u hambalyaynayaa kooxda koobka ku guulaysatay, dhammaan kooxahii ka soo-qaybgalay, maamulka jaamacadda ee soo diyaariyay, garsoorayaashii ciyaarahu intay socdeen sida hagar-la’aanta u shaqaynayay.”

Abaarso Tech University 234344

Ugu horrayn, waxa halkaasi hadal kooban ka jeediyay, Maxamuud Cismaan Maxamed oo ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee jaamacadda, oo sheegay in Jaamacad ahaan ay sharaf weyn u tahay inay noqdaan jaamacaddii ugu horraysay ee tartan noocan oo kale ah qabata. Waxaanu xusay in ujeedadda ugu muhimsan ee uga gol-lahaayeen qabsoomidda tartankan ay tahay sidii ay ardaydda kala dhigta kuliyaddaha kala duwan ee jaamacaddaasi ay isku dhex-gali lahaayeen, isla markaana ay uga fogaan lahaayeen balwaddaha kala duwan, iyo dhibaatooyinka kale ee wakhtigan faraha baas ku ahaya dhalinyaradda sida tahriibka. Waxaanu mahadnaq u jeediyay Akadeemiyadda Kubadda Cagta ee Hargeysa (Hargeisa Football Academy) oo si wada-jir ah ugala qaybqaaty qabsoomidda tartankan. Waxaanu Mr. Maxamuud ugu danbayntii bogaadiyay akhlaaq-wanaagii ay muujiyeen ciyaartoygu intii ay ciyaarahu socdeen. Hadalkana wuxuu ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso Tech Dr. Axmed Xuseen Ciise.

Abaarso Tech University 22321

Waxa isna halkaasi ka hadlay Iid Jibriil Axmed oo ku hadlaya afka Akadeemiyadda Kubadda Cagta Hargeisa (Hargeisa Football Academy) kaas oo sheegay inay Jaamacadda Abaarso Tech tahay jaamacaddii ugu horraysay ee qabata tartan noocan oo kale ah, akadeemiyad ahaana ay tahay ay iyagu farsamo ahaan kala qaybqaadanayeen jaamacadda. Waxaanu Mr. Iid ka waramay faa’ida tartanadda noocan oo kale ahi ay leeyihiin dhiirigalinta dhalinayaradda. Waxa isna halkaasi ka hadlay Axmed Naasir Cabdillaahi oo ku hadlayay magaca ardaydda oo u mahadnaq u jeediyay guddoomiyaha, maamulka, macalimiinta iyo cid kasta oo gacan ku lahayd qabsoomidda tartankan.

Abaarso Tech University 011