Madaxweyne yaasha Jabouti iyo Turkiga oo Gaadhay Heshiisyo + Sawiro

0
111

Madaxweynayaasha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan ay maanta kuwada yeesheen magaalada Jabuuti ayay ku kala saxiixdeen sideed heshiis oo kala duwan, kuwaasoo qayb ka ah qorshaha hor-umarinta Turkiga  ee Afrika.

 

Erdogan iyo Geelle ayaa ku heshiiyay inay xiriir ganacsi oo dhow sameystaan, waxaana si gaar ah ay labada madaxweyne qalinka ugu duugeen arrimaha waxbarashada, caafimaadka, iskaashiga la-dagaallanka argagixisada iyo tan burcad-badeedda. Waxaa kaloo heshiiska ka mid ahaa mashaariic lagu hor-marinayo waxyaabaha aasaasiga ah ee bulshada reer Jabuuti.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen labada madaxweyne ayaa faahfaahin dheeri ah kaga bixiyeen qodobbadii ay ku heshiiyeen, iyadoo Geelle uu dowladda Turkiga si weyn ugu ammaanay doorka ay ka qaadanayan horumarinta iyo dib u dhiska Somalia.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa shirka jaraa’id kusoo qaaday sidii dowladdiisu ay uga mid noqon lahayd ururka Midowga Yurub, isagoo caddeeyay in Turkigu aanu EU-da ka baryi doonin inay ka mid noqdaan midowgooda.

Recep Erdogan oo la weydiiyay qaraxii doraad lagu weerar Hoteel Muqdisho ku yaalla oo ay deggenaayeen wafdi Turki ah ayuu xusay inuusan rumeys-nayn in qaraxaas uu ahaa mid ka dhan ah wafdiga Turkiga ka socda ee kaga hor-maray xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

“Argagixisadu waa gacan ku dhiigle, haddii ay muslim yihiin waa uun gacan ku dhiigle,” ayuu Erdogan kaga jawaabay su’aal uu weydiiyay mid ka mid ah wariyeyaashii shirka jaraa’id goobjoogga ka ahaa.

Madaxweynaha Turkiga ayaa xalay gaaray Jabuuti, kaddib markii uu kasoo laabtay dalka Boqortooyada Saudi Arabia oo uu shalay u dhoofay si uu uga qaybgalo aaska boqorkii hore ee Sucuudiga, taasoo baajisay safar uu ku imaan lahaa Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha dalka Turkiga ayaa berri oo Axad ah kusoo wajahan magaalada Muqdisho, isagoo xarigga ka jari doona mashaariic kala duwan oo Turkiga ay ka hirgelisay magaalada Muqdisho.Turkey_Djibouti_Agreements_2