Taliyaha Ciidanka Booliska oo Noqday Taliyihii Labbaad ee Muujiyey Hawl-karnimo, Daacadnimo iyo Shaqo Wanaag.

0
63
Sidaynu ka warqabno waxa Mansabkan soo qabtay Taliyaal Baddan in kasta oo Marxaladaha Nabadgelyo ee waddanku ku jiray ay kala duwanaayeen, hadana hawlkarnimada daacadnimada, iyo Shaqowanaaga, ayaa iyaguna ah kuwo tixgalintooda leh isla markaana waxa kaliya ee kor u qaadda ama dhulka la galla Sumcada Masuuliyiinta, siddo kalena ah wax kali ah ee Ruux masuulka ahi Sumcad iyo maamus kaga hello Ummada uu adeegaha uu u yahay.

hadaynu dhinaca kale iska taagno, waxa hubaal ah haddii uu ruuxa masuulka ahi uu dhinaca maro saddexda Qodob ee aynu kor ku soo xusnay in ay masuulkaasi ay soo waajahayaan Sharaf dhac iyo Qiimmo dhac ku yimaada, Mustaqbalka haybada uu Masuulkaasi ku dhex leeyahay dadkiisa.

 

Hadaba haddii aynu u soo noqono qodobka Udub dhexaadka u ah Qormadeenan, Taliyihi hore ee Ciidanka Booliska JSL Alla Hawnaxariiste Gen: Maxamed Saqadhi Dubad wakhtigii uu xilka hayey Qiimayn lagu sameyey waxay Natiijadii qiimayntaasi ka soo baxay in uu Marxuumka Alla hawnaxariiste uu noqday taliyihii ugu hawlkarsanaa uguna Feejignaa kadib markii la barbar dhigay guud ahaan taliyaashi isaga ka horeyey.

 

Hadaba Taliyaha Haatan haya Jagada ugu sareysa Ciidanka Boolsika JSL Sareyoguuto (Brigadier General) Cabdilaahi Fadal Iiman ayaa ku guuleystay in uu noqdo taliyihii labbad ee Soo Mara Ciidanka Booliska JSL ee Muujiyey Hawlkarnimo, Daacadnimo, Shaqowanaag, iyo Feejignaan Dheerad ah.

Taliyaha ayaad Had iyo jeer Arkaysaa isaga oo Gaafwareegaya habeen iyo maalin guud ahaan xafaada Caasimadu ka kooban tahay, isla markaana kulamo ku saabsan Adkaynta Nabadgelayda la qaadanaya taliyaasha Saldhigyada iyo Rugaha Xaafadaha kala duwan ee Hargeysa.

 

Hadaba aniga oo ka faa’ideysanaya Fursadan waxaan dhammaan ku boorinyaa Bulsho weeynta reer Somaliland in ay si dhaw ula shaqeeyan ciidanka Booliiska oo ay xidhiidh wanaagsan la yeeshan ciidanka Booliska isla markaana Cid kasta oo ay u arkaan ama uga shakiyaan in ay wax yeelaynayso Nabadgelayda iyo Xasiloonida uu qarankeenu ku soo caano maalay in ay la socodsiiyan ciidanka booliska Madaama qof wal oo muwaadin ahi xil ka saaran yahay illaalinta Nebedgelyada iyo Xasiloonida Dalkiisa iyo dadkiisa, Madama oo ay dadweynuhu yihiin Isha Booliska.

Aqoonyahan: Barre  Maxamuud Xassan

Email: Bandaaq_20@hotmail.com

Tel: 0633665183.