Madaxweynaha Turkiga Oo Heshiisyo La Gaadhay Itoobiya Kana Baaqday Safarkiisii Muqdisho

0
66

urAddis Ababa(WD)-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa soo gaadhay dalka Itoobiya isaga oo heshiis dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga ah la gaadhay raysalwasaaraha Itoobiya Desalegn Hailemariam.Sida oo kale waxa lagu soo waramayaa in madaxweyneha Turkiga iyo raysal wasaaraha Itoobiya ay ka wada hadaleen ciidanka AMISOM ee Itoobiya ka Jooga Somaliya iyo sidii masidka Najaashi loo balaadhin lahaa loogana dhigi lahaa goob dalxiis.Sida oo kale waxa uu ka baaqday madaxweynaha Turkiga Erdogan socdaal uu ku tagi lahaa dalalka Somaliya iyo Jabuuti kadib markii uu geeriyooday boqorkii dalka sucuudiga Boqor Cabdalah Bun Cabdulcasiis isla markaana uu dib ugu duulay dalka Sucuudiga oo uu kaga qaybgalaayo tacsida boqorka Cabdalah.Erdogan ayaa si kooban Addis Ababa ugu sheegay warbaahinta inuu dib ugu laabanaayo  Riyadh  “Waxaan go’aansannay inaan aadno Riyadh oo aan kaga qaybgalaayo aaska boqorka Saudi Arabia Cabdalla Bin Cabdicasiis. Balse waan sii wadayaa safarkii aan ku tegi lahaa Somalia iyo Jabuuti.” Waxa soo baxaaya warar sheegay inuu Muqdisho maalinta Axada dib ugu soo laaban doono madaxweynaha Turkiga Erdogan inkasta oo afhayeenka madaxtooyada Somaliya Daa’uud Aways aanu sheegin wakhti cayiman “Booqashadii Erdogan uu maanta oo Jimco ah ku imaan lahaa Muqdisho way baaqatay, wuxuuna aaday Saudi Arabia, mana ogin xilliga uu imaan doono Muqdisho.”Erdogan madaxweynaha Turkiga ayaa wakhtigan danaynaaya in uu xidhiidh  ganacsi oo xoogan la yeesho qaarada Afrika oo wakhtigan dalal badan u suxul duubayaan inay xidhiidh ganacsi la yeeshaan.