Ciidamada Geerisa oo xanibay maayar ku-xigeenka Borama

0
58

Geerisa(Waaheen) Ciidanka Geerisa degan ayaa doraad xanibay Maayar ku-xigeenka Borama Maxamed Maxamuud Dheereyste oo ku sii jeeday magaaladda Saylac, halkaas oo is maandhaaf ku dhex maray isaga iyo ciidanka.
Illaa hada lama oga sababta ay ciidanku u xanibeen Maayar ku-xigeenka hase yeeshee waxa la sheegay in ciidanku ku wargaliyeen in Taliyaha qaybtu amar ku siiyey in gaadhiga laga shakiyey dhaqdhaqaaqiisa sidaa darteed na aanu ugu safri Karin Saylac.
Maayar ku-xigeenka ayaa wakhtiga la qabtay oo ahayd duhurkii ku socday sida ay dawladda Hoose ee Borama ku doodayso magaaladda saylac, halkaas oo uu ka soo qaadayey qalab Korontada Qoraxda laga dhaliyo ah oo ay hay’adda IOM ku caawisay Dawladda Hoose ee Borama, kaasoo ka soo dagay dekedda Saylac.
Ciidanka Gaarisa ayaa la sheegay inay mar danbe soo daayeen kadib markii madaxda sare ee xukuumaddu soo dhex galeen arrintan isla markaana raaligalin ka siiyeen Maayar ku-xigeenka dhacdadan, hase yeeshee Dawladda Hoose wali waxay ku adkaysanaysaa in arrintan la baadho oo talaabo laga qaado cidii amarka bixisay.