Wasiirka Madaxtooyada Xirsi oo Xadhiga ka jaray 10 Km oo Wadada Ceerigaabo ah.

0
81

xirsiWasiirka wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi cali xaaji xasan iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo maanta gaadhay Magaalada Ceerigaabo ayaa xadhiga ka jaray 10 Km oo ka mid ah wadada laamida ah ee Ceerigaabo,.
Wasiirka iyo weftigiisa oo ay ka mid yihiin wasiirada wasaaradaha gaashaandhiga iyo hawlaha guud oo ay wehelinayaan xubno ka mid ah gudida heer qaran ee dhismaha waddooyinka dalka ayaa ka hor intii aanay gaadhin magaalada Ceerigaabo waxay sii mareen degmada Gar’adag oo iyadana ay ka socoto hawsha dhismaha wadadaasi.
Md Xirsi cali xaaji xasan oo hadal ka jeediyey munaasabadda xadhig ka jarista laamida ceerigaabo waxa uu sheegay inay tahay maalin taariikhi ah oo ay dadweynaha rteer Ceerigaabo ku tallaabsanayaan waddo laami ah oo dhamaystirkeedu ku xidhi doono dalka intiisa kale.
Sida la ogyahaya Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dhowaan xadhiga ka jaray 10 Km oo wadaadasi ka mid ah oo ka bilaabanaya tuulada Ina Af-madoobe ee Gobolka Togdheer.