Khubarro Khudbad Cilmiyeed Ku Wajahan Maamul Daadejinta u Jeediyay Ardayda Machadka Shaqaalaha

0
111

DSC01658Hargeysa (Waaheen)- Machadka  shaqaalaha Dawladda Somaliland (Civil Service Institute)  ayaa habeenimadii Salaasadii toddobaadkii hore waxa lagu qabtay kulan ardayda machadkaasi loogu soo bandhigay khudbad cilmiyeed la xidhiidha ahmiyadda uu wadanka u yeelan karo  hanaanka  maamul daadejinta dawladaha hoose ee Somaliland  (Decentralization and Local Government).

Khudbad cilmiyeedkan waxa ka qeyb galay Guddoomiye Ku xigeenka machadka shaqaalaha Dawladda, Guuleed Saleebaan, Hormoodka kulliyadda Public administration-ka Mrs. Amaal Saleebaan, xubno kale oo ka mid ah saraakiisha sar-sare ee machadka iyo ardayda saddex fasal oo ka mid ah kuliyadaha Public administration –ka iyo development Management-ka kuwaasi oo sanadkii labaad galay isla markaana  dhigta  kooras la xidhiidha maamul daadejinta dawladaha Hoose.

Guddoomiye Ku xigeenka machadka shaqaalaha Dawladda, Guuleed Saleebaan, ayaa sheegay in machadku uu kaalin ka qaato sidii barnaamijka maamul daadejintu u noqon lahaa mid ka dhaqan gala degmooyinka dalka. Waxaanu ardayda ku booriyay inay ka faa’iidaystaan isla markaana ay kaga camal falaan goobahooda shaqada.

 

 

 

Madaxa qeybta akaadamiga ee Machadka shaqaalaha Somaliland Maxamed Cabdiraxmaan Warsame, oo ah khabiir ka shaqeeya, waxna ka dejiyay siyaasadda hanaanka maamul daadejinta  dawladda hoose , ayaa tafaasiil ka bixiyay maamul daadejinta iyo qiimaha ay u leedahay Somaliland haddii uu si taabo-gal ah uga tisqaado dalka.

“Maamul daadejintu waa in awoodaha  iyo adeegyada Ha’yadaha dawliga ahi fuliyaan qeybo ka mid ah loo dhaadhiciyo  dawladaha hoose ee dalka, si ay bulshadu adeegyada ay u baahan yihiin oo dhan uga helaan degmadooda,”ayuu yidhi Maxamed Cabdiraxmaan,waxaanu xusay in dastuurka Somaliland uu dhigayo in la sameeyo  maamul daadejin, si bulshadu ay  deegaankooda ugu helaan adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha.

Maxamed Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in nidaamka maamul daadejinta laga bilaabay dalka, waxaanu tilmaamay in uu barnaamijkaasi madax u yahay madaxweyne Ku xigeenka iyo 7 wasaaradood oo ah kuwa fuliya adeegyadda bulshadda.

“Waxaynu haysanaa fursado aynu dalkeena kaga hirgelin karno nidaamka maamul daadejinta, qorshahan waxa lagu bilaabay 7 degmo oo ah kuwa waaweyn, kuwaasi oo haysta dhaqaale iyo shaqaale aqoon leh oo ka hawl-geli kara nidaamkan,”ayuu ku dooday Khabiir Maxamed Cabdiraxmaan, waxaanu intaas ku kabay “Degmooyinka dalka oo dhan lagama wada fulin karo barnaamijka maamul daadejinta, sababta oo ah waxa jira caqabado badan oo ishor-taagi kara waxaana ka mid ah murano iyo khilaafaad la xidhiidha soohdimaha degmooyinka oo aan kala xadaysnayn.”

 

 

Maxamed Cabdi-raxmaan waxa kale oo uu sharaxaad dheer ka bixiyay, farqiga u dhaxeeya awoodaha dawladda dhexe iyo dhawladaha hoose ee dalka iyo mid waliba kaalinta uu ka qaadanayo horumarinta adeegyada ijtimaaciga ah.

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay  C/Qaadir Ciise oo ah khabiir aqoon u leh maamul-daadejinta oo wasaarada waxbarashada kala shaqeeya qaabka waxbarashada dugsiyada hoose loogu wareejin lahaa maamulada dawladaha hoose ee degmooyinka dalka.

C/Qaadir Ciise waxa uu sheegay in dawladaha hose aanay wali wada tahli Karin inay la wareegaan guud ahaan waxbarashada dugsiyada hoose (Primary school), hase yeeshee ay wasaaradu tijaabisay qorshe bilow ah oo magaalooyinka Berbera, Burco iyo Boorame dawladaha hoose lagu wareejiyay  ilaaliyeyaasha, nadiifiyeyaasha iyo hawl-wadeenada hoose ee dugsiyada hoose, waxaanu ku dooday in qorshahaasi Intiisa badan uu yahay  haddii la sii xoojiyo mid lagu guulaysan karo.

 

Ardaydu waxay  labadaas khabiir weydiiyeen su’aalo la xidhiidha kartida dawladaha hoose iyo sida barnaamijka maamul daadejintu u hano-qaadi karo.