Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku Dhawaaqay In Socdaalkiisa Ay Hadheeyeen Tabshooyin

0
65

 

Madaxweynahu Waxa Uu Sidan Ku Sheegay Khubad Uu Ka Jeediyay Laasacaanood

Laasacaanood(Waaheen)- Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ku dhawaaqay in sodaalkiisa ay hadheeyaan tabashooyin kala duwan oo ka soo baxaayay deegaanadii uu socdaalka dheer ku maray. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidan kaga dhawaaqay khudbad uu ka jeediyay magaaladda Laasacaanood, waxaanu sheegay in ay adagtahay in tabashooyinkaas wax laga wada qabto se ay da’daal muujin doonaan.Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo arimahan ka hadlaayay waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaan  ugu mahadnaqayaa dadweynaha sharafta leh ee igu soo dhaweeyay Laasacaanood, safarkan waxa uu naga daaran yahay in aanu xogagaal u noqono dalka qaybihiisa kala duwan, in aan ogaano waxay dadkayagu tabanayaan oo dhagaysano waxay sheeganayaan iyo inaan u sheegno waxybaaha dalka ka hirgalay iyo sida ay wax u soconayaan.”Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Halkan waad ka hadasheen waanad noo waranteen, intaas aanu dalka wareegaynay meel aanay tabasho ka jirin ma jirto, waayo meel walba baahi waa ay taalaa oo dadweynuu waxyaabo badan ayay ka cabanayaan alle ayuunbaa dadka kaafin kara, intaanu qaban karnaa waa in xadidan waasde inaan da’daalnaa, balse umadda ma wada gaadhsiin kano mar kaliyaata wax, waana wax ay dawladu u dhisan tahay waana mid laga wada shaqayandoono, waxaanuna idiin  balan qaadaynaa inaan si buuxda u eegno oo tix galino kuna xisaabtano tabashooyinkiina.”