Madaxtooyada Somaliya oo Xeer ilaalinta Baadhitaan ka dalbatay.

0
62

Mogadishu(Waaheen)Xafiiska Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu si weyn uga walaacsan yahay

eedeymaha uu soo jeediyey Hantidhowrka Guud ee qaranka, waxaana uu ka codsadey Xeer Ilaaliyaha Guud inuu degdeg baaritaan ugu sameeyo eedeymahan.

Xafiiska Madaxtooyada waxaa ka go’an mar walbana diyaar u yahay taageerada in si hufan uu u shaqeeyo xafiiska Hantidhowrka Guud.
DHAMMAAD