Xildhibaan Nacnac oo Suldaan Cumar ku Eedeyey in uu u Banbaxay Mucaaridnimo iyo Wax ka Sheega Xukumada.

0
111

 

“Suldaan Cumar waxan leeyahay Hanagu noqon Suldaan Wabar  oo kale, Mucaaridnimada iyo Saldanada kala saar”

“Suldaan Cumar Suldaan Guud nooma ah, aniga Suldaan Barre ayaa  ii Suldaan ah, Suldaan Guud isagaa isku ah” Xildhibaan Nacnac.

“Madaxweynuhu Shan Mashruuc ayuu Bali-gubadle Xadhiga ka jaray” Xildhibaan Nacnac.

Hargeysa(Waaheen) Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada  lagana soo Doortay  Gobolka Maroodi-jeex ayaa ka hadlay Socdaal  uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland uu ku maray Gobolka Hawd Xaruntii Baligubadle, waxanu Xildhibaanu sheegay in Madaxweynuhu Xadhiga ka jaray illaa Shan mashruuc oo kala Duwan kuwaasi oo ka mid ah Waxqabadka Xukumada Madaxweyne Siilaanyo ka fulisay Gobolkaasi.

Xildhibaan Nacnac  waxa kale oo uu dhaliilay  Suldaan Cumar Suldaan Maxamed isla markaan waxa uu ku Eedeyey in uu Suldaanku Noqday Mucaarid Xukumada wax ka sheega.

Xildhibaan Nacnac oo ka hadlaya Socdaalkii Madaxweynaha Somaliland ku tagay Baligubadle Waxa uu yidhi. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa uu Magaalada Bali-gubadle soo gaadhay goor habeenimo ah, Anaguna waxanu  kaga hortagnay Degmada Balicabane. Baligubadle Madaxweynaha Si weynbaa loogu soo dhaweyey, runtii madaxweynuhuna waxa uu u kurgalayey Xaalada ay ku sugan yihiin Shacabkiisu, Madaxweynuhu Waxa uu Baligubadle ka furay Shan Mashruuc oo kala duwan oo uu ka mid yahay Guriga Martida, Dadka reer baligubadle Madaxweynaha way ka mahad Sheeganayeen.”

Waxa kale oo uu yidhi. “laakiin Nin Mucaarid ah oo Suldaan isku Sheegaya meesha wuu ka kacay waanan Maqlaayey, sidii Suldaanimo umu hadal, lakiin sidii Mucaaridnimo ayuu u hadlay, waxaan leeyahay Kaas yaan lanoo maqlin, Anagu Madaxweynaha Raalibaanu ka nahay, waxqabadkiisa Raalibaanu ka nahay, waxaan ku celinayaa Ninkaasi yaan  naloo maqlin, Waa Nin Mucaarid ah waa Nin Xisbiyeysan weeyi, Nin Xisbiyeysana ummad Suldaan uma noqon karo, Suldaan waa ninkii Xishooda, Xaaji Xussen waa kii kacay oo Odeyaashii kale waa kuwii kacay dhammaana si wanaagsanbay u hadleen waanay u mahad naqeen”Ayuu yidhi.

Xildhibaan Nacnac Waxa uu sheegay in Suldaan Cumar aanu Suldaan Guud u ahayn Waxaanu yidhi. “Suldaan Cumar Suldaan Guud nooma ah, aniga Suldaan Barre ayaa  ii Suldaan ah, Suldaan guud isagaa isku ah, Suldaan Guud waa ninka garanaya Suldaanimadu waxay tahay, marka anigu Suldaan Guud umma Aqoonsani, Biyaha Hargeysa ee uu ka hadlay Saddex Milayn iyo badhbaa ayaa ku baxaya oo waataa Beebkii keenayey Biyaha la dhigay,  ma ogibu yidhi dee Maxaa loo ogeysiinaya waaba loo shaqeynayaaye, Nin Cuqdadi ku jirto oo Mucaaridnimo ku jirto yaanu dadka khaldin,  runtii waxa maalin ku dhammaada ma jirto oo Roma-ba Maalin lama dhisin, oo biyaha hawshoodu muday qaadatay laakiin imika Hawshaasi gabogabo ayey ku dhawdahay, Wixii baahiyo jira  dadka reer Somalilandbaanu kala mid nahay” Xildhibaan nacnac.

 

Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac waxa uu ka hadlay Waxqabadka kala duwan ee uu Deegankiisa u Qabtay waxanu yidhi. “Anigu inta aan Gobolka Hawd iyo Axmed Dhagax u qabtay nin u qabtay ma jirto, inta Iskuul iyo Waddo aan ka sameyey waad ogtihiin, waxaas oo dhana Dawladan ka soo qaaday, laamidii Baligubadle  lacagta ay Dawladu Bixisay iyo ta Dadka Deeganku Bixiyeen Libinlaab ayey uga badan tahay, wixii illahay ku siiyo haddii aanad u mahad naqin, waxba kuma tarto, Suldaan Cumar waxan leeyahay Hanagu noqon Suldaan Wabar oo kale, Mucaaridnimada iyo Saldanada kala saarban ku leeyahay ”Ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.