Caaqil Lagu Xidhay Magaalada Burco

0
69

Burco(Waaheen) Caaqil Cabdirashiid Maxamed Ciid Aw Cabdi Xuseen oo kamid ah Caaqilada Gobolka Togdheer ee beesha sacad muuse bari ee magaalada burco ayaa xabsiga dhexe ee magaalada burco loo taxaabay kadib markii maxkamada racfaanka ee g/togdher ay u yeedhay 14/1/2015 arbacadii wiigii hore caaqilka oo amar maxkamadeed la siiyay oo ku imid ayaa markii uu cagta soo dhigay  gudaha maxkamada lagu riday gaadhi qufulan oo ay leeyihiin ciidanka iyaga oo si toos ah u geeyay xabsiga wayn ee magaalada burco.

xadhiga caaqil cabdirashiid maxamed ciid ayaa waxa u yeedhay garsooraha maxkamada racfaanka ee gobolka iyo mid kamid ah kaaliyayaashiisa iyaga oo aan sheegin sababta ay u xidheen caaqilka.

garsooraha maxkamada rafcaanka iyo kaaliyihiisa oo ka dambeeyay xadhiga sharci darrada ah ee lagu xidhay caaqilka ayaan haba yaraatee shaacin sifaha sharci ee uu uxidhan yahay waxana xadhiga caaqilka laga joogaa muddo sadex cisho ah.

dhinaca kale isaga oo aan wax su,aalo ah la waydiin caaqilka iyo dambiga ay u haystaan ayaa xabsiga wayn ee magaalada burco uu ku jiraa, sidoo kalena la marin wax saldhig police ah isku soo wada duuboo garsooraha maxkamada racfaanka iyo kaaliyihiisa ayaan u sheegin tolkii sababta uu u kasbaday xadhiga