Suldaan Cumar Oo Madal Ay Madaxwayne Siilaanyo Iyo Qaar Ka mid ah Wasiiradiisu Fadhiyeen Ka Jeediyay Dhaliilaha Xukuumada

0
87

SuldaanWasiir Xirsi iyo Wasiir Waran cade oo u adkaysan waayay dhalilaha tirada beelay ee uu u jeediyay Suldaanku Xukuumada

 “Madaxweyne Inanka Wakaalada Biyaha Haystaa waxa uu nagu yidhi Master balaanka Magaalada Hargaysa nooguma jirtaan inaanu biyo idin siino”

“Warshadii Laydhka Haragysa Xaafada ay ku taalay lagama qayb gelin dadkii Deeganka  Wayn Cabanayaan” Suldan Cumar

Baligubadle(Waaheen) Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulan la yeeshay Habeenkii uu ku sugnaa Magaalada Baligubadle Madax dhaqameedka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo waliba Haldoorka Gobolka Hawd, Kulankaas oo ay kaga wada hadlayeen Arrimo u dhaxeeyo xukuumadda iyo dadka Deegaanka.

Suldaanka Guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ku hadlayey Afka  Madax-dhaqameedkasi la kulmay  Madaxweynaha ayaa la Garnaqsaday  Madaxweynaha Somaliland.

Suldaanku waxa uu taxay waxyaabaha aan ka fulin Balamo ay xukuumadda Kulmiye hore ula gashay dadka deegaanka, qabyada taala iyo qaabka loo maarayn karo.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed waxa kale oo uu kaga hadlay kulankaasi ay isku soo hor fadhiisteen Madaxweynaha Somaliland iyo waftigiisa waxyaabaha dalka oo dhan u baahan in la gufeeyo, Ugu horayna suldaanka oo kahadlaya arimaha diiwaan gelinta waxaa hadalkiisii ka mid ahaa “Wasiirka Arimaha guduhu waakaa ku garab fadhiya madaxwayne  malaha isagaa wata barnaamijka  Diiwaan gelintee tuulooyinka laga xukumo gobolkan Baligubadle masaafo dheer ayay qaarkood isku jiraan dadbaaban soo gaadhi Karin goobaha la dhigay sanaaduuqda, goobahan la dhigayna qaarbaanay internetkoodu shaqaynba inaad kutala gasheen iyo inay sidan idinka noqotayna makala garanayno, taana waxaanu jecelnahay in lasaxo oo dadku dee xuquuq isku mid ah ayay leeyihiin oo qofka Somalilanderka ahi wuxuu helo ka kale lamidka ahina dee waa inuu helaa”

“Waxaan soo socday 600KM (Lix boqol oo kiiloo miter) madaxwayne markii aan maqlay inaad gobolka imanayso waxaan ka soo noqday meesha layidhaa  QARAADH deegaanadaa aan marayayna duruufahan oo kale uun baa haysta, Abaaraa haysta ,dhibaatooyin badan baa  haysta, caafimaad xumaa haysata, Iskuul la’aan ayaa  haysata, biyo la’aan ayaa haysata, waa isku wada mid uun, malaha dadku waxay jecelyihiin in la ammaano uun, laakiin in qaladaadka la sheegaana meesha way kujirtaayoo sixida ayay kamid tahay oo idinka (Wafdiga madaxwaynaha) laftiina waad ubaahantihiinoo dee waad qoraynaysaan waxyaabaha aad dadkiina uga baahantihiin si aad usaxdaan , dhibaatooyinkaasi kuwan  way qabaan ku waas aan tagayna way qabaan qaar kaloo reer Somaliland ahina way qabaan”.

Dhinaca kale waxa uu suldaan Cumar ka hadlay xaga amniga dalka“dee dalka amni ayaynu ku haysanoo waxaynu lahayn nabadgelyaanu ku jirnaaye waatan imika buuraha la inoo galay ee imtixaanaadu ka soo kordheen, kuwaana waxaan ilaahay ka baryayaa inuu iyagana soo hadeeyo dee inaguna dadaal badan ka galno”

Dhibaatooyinka  kale ee ay dadku tabanayaan inta badan runta iniima sheegaan oo waxay yidhaahdaan waad wanaagsantihiin horaad u socotaan, wax qabadku wuu jiraa oo wax laqarin karo maaha oo iyagaaba iska muuqanaya, waajibna dee ummadu way idiinku leedahay inaad wax uqabataan laakiin waxaa mihiima in la idin tuso waxa aydaan qaban ama waxa ay dadku tabanayaan”.

Suldaanku mar uu kahadlayay dhinaca dhaqaalaha waxa uu yidhi “dhaqaalaheena ama ka xukuumada hanoqdo ama ka guud ee dalkee waynu ognahay sida aynu u nool nahay  iyagoo dadkii iska liito ayaad madaxwayne maciishadii cashuurtii aad ku kordhiseen, waa latudhaa oo dadka waa lootudhaaye, qodobkaasi waxaan odhanlahaa dib haloogu noqdo oo bal waxa kale soodaga cashuurta halagu kordhiyee macal jaadkee laakiin bal maciishada halaga daayo cashuurta, dadku waa iska wada danyar, way wada shaqo laayihiin duruufo faro badan baa haysta halkaa waxaan odhan lahaa qodobkaas dib haloogu noqdo”.ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa uu Suldaanku ka hadlay kulamadii hore ee beeshiisa  iyo madaxwayne Siilaanyo dhexmaray oo uu suldaanku sheegay inay jireen marar badan oo beeshu soo jeedisay waxyaabaha ay ubaahantahay laakiin aan xaga xukuumada kafulin“ markaynu ka hadlayno deegaanka in badan baynu halkan iskugu nimid ama aynu xafiiskaaga  iskugu nimid waxyaabo badana waynu kawada hadalnay oo dadka horumarkiisa, danihiisa iyo daryeelkiisaba waynu kawada hadalnay,waxaad qabateendee waad ku mahadsantihiin laakiin waxaa jira waxyaabo badan oo aydaan qaban, imika waxaanu ku xiiqaynaa ama aanu ka soo daalaynaa inaanu codsiyo soo gudbino oo aanu nidhaahno dadkii waxaas ayay ubaahanyihiin markay intii hore waxbaba naga soo noqon waayeen balanqaadyo faro badan ayaad samayseen qaarna waad fuliseen laakiin barnaamijkii wadad oo dadka badankiisu filanayeen way fadhidaa, biyihii iyaguna way fadhiyaan oo wasiirka biyuhu ceelkeliya ayuu yidhi waan idiin qodayaa, malaha waxaa lagu yidhi dhulka arabka riigu ma karee imika wuu karayaa  waanad ku mahadsantinii ceelkaa inkastoon ubaahnayn ceelal intaas ka badan”Ayuu yidhi.

Sidoo kale suldaanku waxa uu ka hadlay biyaha magaalada Hargaysa oo aan gaadhin dhanka ay beeshiisu degto “ biyaha Hargaysa inanka  wakaalada biyaha haystaa waxaa uu nagu yidhi master balaanka magaalada Hargaysa  (mester plane) nooguma jirtaan inaanu biyo idin siino, bal hadalkaas ufiirasada! Biyahana xaqbaanu uleenahay oo dadka deegaanka ku nool ayaanu nahay siday iyaguba ucabayaan inaanu ucabno ayaano doonaynaa ama kuwa barri laga keenayo ha noqoto ama kuwa Geed deeble hanoqotee waxayna dee ka jirtaa mashruucyada aanu idinka codsanayno”.

Suldaan Cumar waxa kale oo uu kahadlay xaalada imika dalka ka taagan ee ah in  meelihii dawladu gacanta ku haysay oo  xukuumadu doonayso in cid gaara ay ku wareejiso sida war shada laydhka ee Hargaysa“ dalka wax badan ayaa intaasi islaba rogaya kolbana waxbaa soo cusboonaanaya imika xaalada dalka ka jirtaa waxaa weeyi in meelo badan oo dawladu gacanta ku hayn jirtay lagu wareejinayo shakhsiyaad gaara waxaana ka mid ah meelahaasi warshadii laydhka Haragysa oo xaafada kutaalay lamana tixgelin dadkii deegaanka ahaa ee xaafada ku noolaa, arinkaa warshada tabashaa ka jirta dhinaca reerka waxaanay tabanayaan wixii deegaankooga ku yaalay oo aan laga qayb gelin, wax kaloo badan oo reerku tabanayaana way jiraan, markaa waxaa fiican in marka wax laqorshaynayo dadkan qorshaha lagu daro, Intaasi waxay iga tahay inaan idin xasuusiyo tabashada dadka , haddii waad wanaagsantihiin uun la idin yidhaa halkana laga khuukhleeyo dee mawanaagsana”

Suldaanku isagoo hadalkiisa siiwata waxa uu intaas raaciyay “Madaxwayne  adoo mahadan oo aan filayo inaad deg degsantihiin oo aad meel kale kusii socotaan duruufahan dadkan haysta waan soo arkoo arabka xagaa aan soo marayna way haystaan”

Diiwaan gelintaa aan soo sheegay Saddex tuulo oo xeebta yaala oo isku reer ahina way haystaan11 (kaw iyo tobon) tuulo oo masaafo ahaan isku jira 75KM oo  dadka kale degen yihiina midna male, xabadi mataal inaad wax isku yara dhawaysaan ayay ahayde halkaas dib ugu noqda , tuulooyinkaasi aan soo sheegay madaxwayne, biyo malah, Caafimaadna malaha laba galaas oo kaliya ayay leeyihiin wax iskuul ah adiguun baana u madaxwayne ah iyaguna sidaas ayay wax kaaga tabanayaan kaagana sugayaan.

Ugu dambaytii Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldan Faarax ayaa umahadceliyay madaxwaynaha iyo wafidiga lasocdayba isagoo sidoo kalana u mahad celiyay dadkii ka soo qayb galay goobtii lagula hadlayay madaxwaynaha oo ahayd guriga martida ee Baligubadle.