Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Suldaan Wabar Ku Sifeeyay Mid Falaagoobay, Kana Hadlay Doorashooyinka dalka ku Soo Fool leh.

0
98

“Maalinta Doorashadu Kaabiga inagu hayso ayuunbaa laga wada hadlikaraa, Lakiin Inta ka horaysa waxaanu qabnaa in ay Dhacayso Doorashadu” Saleeban.

Hargaysa(Waaheen) Guddoomiyaha Golaha Guurtida somaliland Saleeban Maxamuud Aadan  ayaa  Markii ugu Horaysay ka hadlay Xaalada Gobolka Awdal gaar ahaana Suldaan ka mid ah Salaadiinta Gobolkaasi oo  Buuraha Gallay, waxa kale oo uu ka hadlay Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada  ee la filayo in ay Dalka ka qabsooman Sannadkan.

Ugu Horayn waxa uu ka hadlayaa Xaalada Gobolka Awdal iyo Suldaan Qoriga Qaatay ee diidan qaranimada somaliland waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay sida. “Annagu hawlahayaga kama baaqsanee, Suldaan Irdhoobay  oo fidnoomay dee anagu waxaanu nidhaahno garan mayno, Aydana kaga dabatagi mayno” ayuu yidhi Gudoomiye Saleeban.

Gudoomiyaha Guurtidu waxa uu xallinta arrinta Awdal muddooyinkii u dambeeyay ka taagan ku riixay reer Awdal oo uu sheegay inay ku filan yihiin “Reer Awdal iyagaaba ku filan, dalkuna cidna fawdo ugama baahna, Nin Suldaan sheeganayana hadalkiisaba daa, dee Illaahay ha inoo soo hadeeyo” Ayuu yidhi.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Mudo Kordhi La sheegay in Xukuumada Ay u samaynayaan Golaha Guurtida somaliland waxa uu Guddoomiyahu ku sheegay Mid Aanay waxba ka jirin waxaana uu yidhi. “waxaan idin leeyahay mudo kordhin Maanta kawada Hadli Mayno, mudo Kordhina Maanta wakhtigeedii Mahayno, Maalinta Doorashadu Kaabiga inagu hayso ayuunbaa laga wada hadli 26 Juun Ayaan ku ogaaye Ma hore ayaad u soo dhigteen, Bil ka hore ayay soo qaad qaadisteed iyo Kordhinteedu Leedahay, Lakiin Inta ka horaysay waxaanu qabnaa Way Dhacaysaa Doorashadu”Ayuu yidhi.