Waraysi Gaara Qoraaga Buugga Indhaha Siyaasaddaa Igjeeda!!

0
51

Waraysi Gaara  oon la yeeshay

  Qoraaga Buugga Indhaha Siyaasaddaa Igjeeda!!

(Abdinasir ismacil nuur)

inDiyaarintii; Xasan M.Cismaan (reporter Waaheen )

Qoraaga buugu waa wiil dhalinyaro ah isla markaana wakhti u huray  Inuu wax  ka qoro arrimaha siyaasadda”   lagaga dhaqmo

geeska afrika dunida hana qaaday iyo waliba ta dalkan somaaliland oo uu

qoraagu degan yahay, ” hadaba qoraaga buugga oon 13 january,2015,

kulan kula yeeshay caasimada hargaysa,

ayaan waraysi  dhinacyo badan taabanaya

la yeeshay waxawna u dhacay sida tan”

su,aal: dhawaan waxaad qortay buug la magac baxay indhaha siyaasadda igu jeeda,

bal waxaad nooga sheekaysaa waxa kugu kaliftay inaad buugan qorto? J:Buugan waxa igu kalifay inaan qoro markii aan indha indheeyay sida ay saamaynta ugu leedahay siyaasadu bulshada rayidka ah iyo nolosha iyo siyaassaddu haddaba markaad aragto meelaha dadku iskugu yimaadaan sida meelaha laga shaaheeyo ayaa waxaad dadka oo mid yar iyo mid wayn dhamaan falanqaynaya siyaasadda, taas oo wakhtigii dahabiga ahaa ee ay waxbaran lahaayeen ama ay danahooga ka fakeri lahaayeen ay ku bixinayaan muran iyo dodo ku taxaluqa siyaasada qaloocda taasina waxay sababtay in qabyaaladi si madax banaan uga dhex dhalato dadka doodahooda doodahaasoo ku saabsan aragtiyaha kala duwan ee siyaasiyaasiyiintu kala aaminsanyihiin aragtiyahaasoo aalaaba ka aasaasma marka ay siyaasiyiintu tiifiiyada isku marinayaan hadalada qalafsan ee siyaasada waxaana meeshii ka baxay inay siyaasiyiintu u naxariistaan siyaasada lafteeda iyagoo ilaalinayaa inay dadka qaar tirsadaan cadaalad daro in lagu sameeyay waayo siyaasadu waa laba mid toosan iyo mid taban siyaasada toosani waa mid ku lamaan qof kasta oo miyir qaba kaliya waxay ka maqan tahay siyaasada toosani dadka aan miyirka qabin. Sidoo kale siyaasiga ay siyaasadu u baahataa waa hogaamiye dhab ah siyaasiga isagu siyaasada u baahdaana waxa uu ka kulmaa ceeb iyo magac xumo anigana buugaygu wuxu dhiiri galin iyo hoga tusaalaynba u yahay saxaafada madaxa banaan iyo cid kasta oo wax qoraysa in wax laga qori karo tijaar fiqiir madax iyadoo la dhawrayo milgaha iyo maamuuska dalka iyo calankaba

S: Muxuu ka kooban yahay buugani? J: wuxu  koobsanayaa waxyaabo badan, marka hore wuxuu u kala baxayaa laba qaybood oo kala ah

 

Siyaasada iyo sida loogu dhaqmo iyo luuqda siyaasada luuqadaasoo ah mid aan dhibaato lahayn marka lala tago war baahinta iyadoo ah midaan xanaf iyo turxaan lahayn

qaybta labaadna waxay ka hadlaysaa sheeko faneedyo iskugu jirta wacyi galin maansooyin jacbur ah oo nuxur iyo xigmadba leh hadaba hadaynu u soo noqono arimaha siyaasada macnaha sida loogu dhaqmo  iyadoo ay  ka mid yihiin  dhibaatada qabyaaladda, balwadaha, iyo ganacsiga iyo qaranimada Jamhuuriyada Somaliilaand waxanau adeer si dhugmo leh  uu muujinayaa buuggu in dalka  halgan adag loo soo maray  waxanu u dhiganyahay qaab wacyi  ah  waxuu diiradda saarayaa buugani qolyaha siyaasiyiinta ah   oo aan rajaynayo in mid kasta oo akhritaa uu wax kala bixi doono iyo hogaamiye dhaqameedka oo uu u sheegayo in ay  ka dhawrsadaan  in ay  ku dhex milmaan siyaasadda  siyaasadda qaloocda waayo waxad arkaysaa koofiyado iyo cumaadado ku jira muran siyaasadeed oo ka turjumaya dib u socod oo ay ka muuqato kicin bulsho sidoo kalena waxa aan iyaguna meeha ka maqnqayn oo uu wacyi galin u yahay dhalinyarada oo aan rajaynayo inay ka soo dhex bixi doonaan hogaamiyayaal dhab ah oo u qalma xil iyo dalba lagu aamini karo.

S:cabdi naasir bal waxad wax nooga iftiimisaa intii aad ku guda jirtay ururinta qisooyinka buuga kolay qoraagu dadka wuu ka duwan yahay oo waa qof had iyo aad wax ugu fiirsadee maxaa kuugu yaab badnaa?

J:run ahaantii intii aan ku guda jiray qalinka iyo qisooyinkaba sheeko hada buuga ku qoran oo ciwaankeeda la yidhaahdo SHADAADIIN SUURIYA KA TIMID AYAA KU GASHAY arintaasoo ku dhacday wiil soomaali ah oo hargaysa u yimid dhakhtar balse afka uga galay dhakhtar isku sheeg isagoo u sheegay inuu xanuunsanayo ka dibna ay ku sameeyeen baadhi taan iyagoo ku baadhay wax u eeg qalabka dhakhaatiirta toban daqiiqo ka dibna ugu jawaabay shadaadiin suuriya ka timid ayaa ku gashay

S;bal waxad nooga warantaa intii aad buugan qoraysay wax dhibaato ah ama saamayn intee leeg ayaad kala kulantay maadaama oo aad wax ka qoraysay arimaha siyaada oo aad u xasaasiya?

J: horta ILAAHAYBAA mahad leh wadankeena jamhuuriyada Somaliland waa qaran madax banaan oo hana qaaday waxaana taala nabad galyo aanay haysan dawladaha horu maray balse dadku  waa muwaadinintee way ogsoonyihiin inay yihiin dad xor iyo xalaalba ku nool inkastoo siyaasada aynaan ugu dhaqmin sida wadamada reer galbeedku ugu dhaqmaan oo ah in hogaamiye lagu doorto aqoon uu u leeyahay dibla maasiyada iyo daacadnimada si uu shaqadiisa uga bilaabo salka horumarka oo ah cadaalad iyo sinaan oo lagu hawlaha qaran waana jidka horumarka macnaha dadku way qurux bataan marka cadaalad loo sameeyo oo waxa meesha ka baxa hogaamiyaha aan dhabta.

S: Cabdinaasir ma jiraan buugaag kale oo aad qortay?  Haa waxaan qoray laba buug oo kale balse aanan wali taabicin waxaanan ku inaan dhawaan daabaco hadii ALLE yidhaa waxa kale oo aan qoray maallo aan kaga xadlayay kolba xaaladda dalku marayo haday noqonlahayd dhanka siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

S:cabdi naasir maadaama oo aad tahay qoraaga buugan indhaha siyaasadaa igu jeed bal waxad noo qeexdaa macnaha indhaha siyaasadaa igu jeeda?

J: waad mahadsantahay walaal hadaan si kooban kuugu sharaxo macnaha magaca oo ah magac ka turjumaya ama muujinaya in dadkiiba noqdeen wada siyaasi anigu waxan magacan usoo qaatay inaan bulshada uga dhigo wacyi galin dhinacyo badan taabanaysa tusaale ahaan qabyaalada oo lagu dhaqmaa waxay keentaa dhago la.aan

 

S: waxa kale oo jirta inaad tahay nin hal-abuur ah  bal wax nooga tilmaam dhinaca sugaanta aad aliftay?  J: way badanyiinka iyo gabayadda aan sameeyay waxaanay isugu jiraan gabayo waddani ah iyo kuwo kale aan kaga hadlayay nolosha qaybaheega kala duwan.

S: maxaa ka mid ah gabayadaada?

J: way badanyihiin run ahaantii lakinn hadaan mid ka mid ah soo qaato tusaale ahaan waxa ka mid ah gabay la yidhaa DAMAC oo ka hadlaya siyaasiyiinta tuduc yar oo ka mid ah hadaan soo qaatana waxuu odhanayaa sidan: “Dadkan wada siyaasiga noqdee

Kala danbayn waayay

Duul wada sharaxan iyo bulshadan

Doorashadu waashay

Ee loogu daw galay qabiil

Damac xumaantooda

Da,ayar iyo cirooleba xilbaa loo

Dagdagayaaye

Dibadaha kuwii joogaybaa

Dhoof kasoo dagaye

Imikay xil wada doonayaan qaar

Dednaan jiraye

oo ay dalbanayaan cod badan

doorkan maanta ahe

damacoodu waa shaqo tag iyo

duunyo wada done

shacabkuna I doorta horay

ugu danseegeene

allahayoow adaa deeq baxshee

diinta nagu toosi

oo dawga khayrka leh na mari

daayimbaad tahaye

mid ku duula maatida  iyo  dilaal

wada diglaynaaya

dabshid  iyo malaal wada  socdiyo

daalinkiyo tuugu

ma kastay ku wada diganayasaa oy

daldalayasaaye

dalka in ay  dhaamaan wada maamulaan

xilalna loo doorto

oo laga danbeeyay rabaan doodna loo celine

Allahayoow adaa deeq baxshee

Diinta nagu toosi

Oo dawga khayrka leh na mari

Daayin baad tahaye”

Qaybta dabe iyo  ma hadhada siyaasadda  la soco,