Madaxwaynaha Somaliland oo Degmada Xaaji Saalax Xalay u Hoyday.

0
124

IMG_7681Oodweyne(Waaheen)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa Habeenkii xalay u hoyday Degmada Xaaji Saalax oo ka tirsan Degaanka Oodweyne. Madaxweynaha iyo weftigiisa oo Sabtidii ka ambabaxay Magaalada Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd ayaa sii maray degaanada u dhexeeya Baligubadle ilaa Xaaji-Saalax isagoo degmada Sabo-wanaag ku hakaday.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa ujeedada safarkoodani tahay u kuur galida Xaaladdaha Dad iyo duunyo ee degaanada ay Marayaan oo maalmahan u badan kuwa ku teedsan Xuduudka Somaliland la waado Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa hore u soo maray Degaamo ka tirsan Gobolka Gabiley,Awdal, Hawd iyo Maroodijeex, waxaana la filayaa inuu safarkiisu ku sinnaado ilaa Ceerigaabo.
Mucaaradka ayaa dhaliilo u jeedinaya Safarka Madaxweynaha, iyagoo si gaara farta ugu fiiqaya Sida aanu madaxweynuhu ugu nagaan Gobolka Awdal oo tabasho xooggani taalay.