Hoobalkii, Horseedkii, Higsigii Hayaanka Faneed Maxamed Axmed Kuluc (1939kii – 2015ka)

0
147

 

 

Mar aan weydiiyay heesta uu heesihiisa ugu jecel yahay, wuxu iigu jawaabay:

 

“Heesahayga hadba heestii iigu danbaysa ayaan ugu jecelahay, sida hadba carruurta ka uugu dambeeya loo jecel yahay.”

 

Maxamed Axmed Kuluc, 11/12/2005tii, Hargeysa

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

 

Hargeysa, 18/1/2015ka,

 

Qormadii: 1aad

 

Maxamed Axmed Kuluc oo beryahanba ku xanuunsanayay magaalada Hargeysa ayaa maanta duhurkii ku geeriyooday Cisbitaalka Guud. Maxamed Axmed wuxu u dhintay xanuunka neefta oo uu beryahanba la il-darraa isga oo dhawaan ka yimid dalka Ingiriiska. Dadka Soomaaliyeed ayaanu guud ahaanba ka tacsiyadeynaynaa geerida xaqa ah ee ku timid fannaankaa Soomaaliyeed. Waxa kale oo aanu ka tacsiyadaynaynaa dhammaan fannaaniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Waxaanu si gaar ah halkan tacsi uga gudbinaynaa dhamaan qoyskii iyo eheladii uu ka dhintay meel kasta oo joogaanba. Waxaanu leenahay samir iyo iimaan, isgana Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo.

 

Maxamed Axmed Kuluc, maalintaa aanu wada joognay ee 11/12/2005tii, wuxu ii sheegay in uu ku dhashay magaalada Oodweyne, 1942kii in kasta oo uu ii raaciayay in taariikhda dhalashada ee ‘Passport-ka’ ugu qorani ay tahay 1939kii. Hooyadii waxay ahayd Cambaro Cigaal Yuusuf.

 

Maxamed Axmed Kuluc, waxay wada dhasheen afar wiil iyo 3 hablood. Mid ka mid ah walaalladii oo aan filayo in Cabdillaahi la odhan jiray muddo toban maalmood ku siman ka hor ayuu ku dhintay oo lagu aasay magaalada Hargeysa.

 

Maxamed Axmed Kuluc shan goor ayuu guursaday, waxaanu dhalay 4 wiil iyo 15 hablood. Wuxu maalintaa ii sheegay in wiil ka dhintay.

 

Maxamed Axmed wuxu ku soo koray magaaladan Hargeysa oo uu fanka ka bilaabay waqti ku sinnaa 1954kii. Waxay u muuqataa in uu waxooga ka yar horreeyay dhiggisii ballaysimay fanka heellooyinka iyo miyuusigga ee ay ka midka ahaayeen: Cumar Dhuulle Cali iyo Axmed Cali Haaruun (Dararamle) oo aan filayo in ay caalamka fanka ku soo biireen 1956kii. Waxa kale oo labadooduba ii sheegeen in markii ay Radio Hargeysa ku soo biirayeen imtixaanka lagaga qaaday heellada Isku-shuban ee uu laxankeeda iska lahaa Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi o loo yaqaannay Cabdillaahi Qarshe.

 

Maxamed Axmed Kuluc, marka aynu ka hadlaynno, waxaynu ka hadlaynaa guud ahaan fanka Soomaaliyeed, gaar ahaanna fanka heesaha, miyuusigga iyo masraxa oo uu intaba horseed ka ahaa.

 

Xilligan uu Maxamed Axmed ku soo biirayo fanku, waxay ahayd markii uu tisqaadayay Qaraamku ama Heelloyinkuba oo uu ballaysimay Cabdillaahi Qarshe. Markan uu Cabdillaahi Qarshe curinayo Heellooyinka oo isla markaana loo yaqaannay qaraamku ama Qaraamiguba, waxa socday oo casri ahaa Balwadii oo ka hano-qaadday Gobolka Awdal, calan-sidayaalna ay ka ahaayeen Cabdi-sinimoo iyo Qadiija Ciye Dharaar oo loo yaqaannay Qadiija-balwo. Balwadu waxay curatay 1943kii iyo Banka Geeriyaad oo Cabdi-sinimoo baabuur kula jabay.

 

Maa-daama ay Balwadu ahayd wax ku cusub ummadda, iyada oo lala xidhiidhiyay wax ay dumar iyo ragba wadaagaan, isla markaana ay ku ladhnaayeen qaadka iyo sigaarku, ma ay noqon wax la jeclaysto dadkuna waxay ka muujiyeen diidmo xoog leh. Waxa ka darnaa magacii ahaa Balwo oo isagana lala xidhiidhiyay belaayo. Xaaladda oo halkaa maraysa ayuu Cabdillaahi Qarshe ka yimid magaalada Cadan oo uu deggenaa.

 

Markii uu arkay in ay xaaladdu cakiran tahay, ayuu curiyay Heellada oo miisaan ahaan aan ka duwanayn Balwadii oo labaduba ka soo jeedaan Badda suugaaneed ee Dhaantada.

 

Waa marxaladdan iyo halkan meesha uu Maxamed Axmed Kuluc ka soo gelayaa guud ahaanba fanka Soomaaliyeed, isaga oo ku soo galay heesaa. Markii dambe ayuu noqonayaa hal-abuur alxaanta ah iyo jilaa la yaab leh oo lagu majeerto gole-joogga iyo jiliddaba.

 

Laxankiisii ugu horreeyay wuxu curiyay 1963kii. Waa hees la odhan jiray: Markaan Khadar haleelaa, midhaheedana waxa iska lahaa Maxamed Cumar Huryo.

 

Maalintaa aanu wada joognay wuxu Maxamed Axmed Kuluc iiga sheekeeyay Kooxdii Walaalo Hargeysa ee sababta u ahayd curinta, korinta iyo faafinta fanka Soomaaliyeed. Waa taariikh waxan aynu ka wada hadlaynaa, waxaana fiican in qof waliba inta uu ka og yahay sheego si aynu isugu minguurinno oo hadhow wax saxan oo la taaban karo uga soo saarno.

 

Maxamed Axmed Kuluc, wuxu aamminsanaa oo uu ii sheegay in fannaaniinta hadba intii fanka ku jirtaa ahayd Walaalo Hargeysa, laakiin ay jireen fanaaniin cayiman oo iyagu ahaa aasaasayaashii kooxdii caan-baxday ee Walaalo Hargeysa. Sida aan Maxamed Axmed, ka soo xiganayo, Kooxdaa Walaalo Hargeysa waxa lagu aasaasay Xaafadda ‘New Hargeysa,’ 1954kii.

Aasaasayaashii Raacii 1aad ee Kooxdii Fanka ee Walaalo Hargeysa:

 

  1. Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe),
  2. Maxamed Xaaji Ismaaciil “Baa-sarce” (Barkhad-cas),
  3. Ismaaciil Sheekh Axmed (Cagaf),
  4. Maxamed Axmed Muxumed (Kuluc),
  5. Maxamed Faarax (Makarroone),
  6. Cumar Dhuulle Cali,
  7. Axmed Shiil,
  8. Xasan Cali (Gidhin),
  9. Maxamed Cilmi (Baaniyaal),
  10.  Cabdillaahi Magaalo-joog-xume,
  11.  Jeeni-cadde,
  12.  Xasan Samatar,
  13.  Faro-jebis,
  14.  Cabdi Ibraahin,
  15.  Xuseen Nuur Qaloombi,
  16.  Cali Wacays,

 

Maxamed Axmed Kuluc, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, intaas ayuu iigu sheegay Raacii !aad ee Aasaasayaashii Kooxdii Walaalo Hargeysa. Waa aragtidii iyo aqoontii Maxamed Axmed. Waa intii uu ogaa, waa sidii ay isaga la ahayd. Muran badani in uu ka dhaco ma aha, waxa se furan inta xogogaalka u ihi in ay wixii ay ku kordhin karayso ku kordhiso ama saxdaba haddii ay wax qaldani ku jiraan. Taariikhdanna idiin kuma soo gudbinayo si aad murannada qaarkood uga gashaan oo immika meelihii iyo surinnadaii xaaraanta ahaa la isla marno.  Haddii ay doodi ka dhalanayso, waa in ay ka dhalataa mid xariir ah oo taariikhda culaysa oo udgooni. Ma aha in ay ka dhalato dood naxli iyo nacaybba cokani.

 

Aasaasayaashii Raacii: 2aad:

 

  1. Xuseen Aw Faarax,
  2. Saxardiid Maxamed,
  3. Cabdillaahi Nuur (Cunaaye),
  4. Ismaaciil Cabdi (Basbaas),
  5. Maxamed Cumar (Huuryo),
  6. Maxamed Yuusuf Cabdi,
  7. Cali Sugulle Dun-carbeed,
  8. Axmed Cali Haaruun (Dararamle),
  9. Xasan Xirsi (Dheg-jar),

 

(La soco berri, haddii eebbe idmo)