“Siimoodi iyo Baki Reer Nuur baa leh, Balse Waa lanala Degaa.” Salaadiinta Reer Nuur.

0
305

 

siimodiBorama(Waaheen) Waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada borama bulsho ka soo jeeda beesha reer nuur oo isku jirtay cuqaal, siyaasiyiin. ganacsato, salaadiin, dhalinyaro, aqoonyahano.

shirkan jaraa’id ee ay beesha reeer nuur ayaa jawaab u ahaa beel hore u sheegatay in ay leedahay siimoodi iyo baki hadaba dhamaan xubnihii shirka ka hadlay ayaa gormeefay taariikhda lahaanshaha buurta siimoodi waxayna sheegeen in ay beesha reer nuur 100 sano ka hor deganayd iyaduna iska leedahay wixii khayraad ah ee hore loogala baxayna ay magdhow ka rabaan xukuumada cidkale oo u dhaafi kartaana ayna jirin.talada buurta siimoodina wixii talo ah laga waydiin karo oo kaliya beelaha reer nuur,  buurta siimoodi oo hodan ku ah macdanka ayaa hadal kasoo yeedhay beesha reer maxamed iyo xubno kasoo jeeda beesha oo xukuumada siilaanyo xilal  ka haya ay  sheegeen in ay leeyihiin siimoodi. sikastaba ha ahaatee beelaha  reer nuur waxay cadaysay in ay leedahay degmada baki 80%  degaan ahaan cidii wax intaa ka baxsan la timaadana gacmaha loola tagi doono waa siday hadalka u dhigeene sidoo kale beesha reer nuur waxay ku baaqday nabad iyo xasilooni in ay kule noolaadaan walaalaha kale ee la dagni

Iskusoo wada duuboo tani ayaa jawaab cad u ah cidii hore u sheegatay degaanka siimoodi.. sidoo kale beesha ree rnuur xukuumada waxay ka codsatay  in ay khubaro usoo dirto baadha macdanta la qodayo saamaynta ay ku yeelan karto degaanka..

Magacyada warsaxaafadeedka.

1.suldaan .nuur ahmed jibriil(Nuur Dheere)

2.suldaan. yousuf aw muuse gasle

3.xil.Amed barkhad obsiiye

4.xil.Abdilahi cali Hussein

5.prof.Ahmed cige  riiraash

6.eng.khayre abshir miigane

7.caaqil.mohamed kaahin nuur

8.siyaasi Mohamed abdilahi obsiiye

9.xil.nuur rayaale

10.caaqil.daahir ibraahin

 

Wariyaha Borama:.farhan fahiye