Daawo: Dr. Cabdixman oo soo Bandhigay Cadaalad Darooyinka ka Jirra Maxkamadaha Dalka iyo Sidda ay Shacabku ugu Dhiban yihiin.

0
87

AGASHargeysa(WAAHEEN) Dr: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Maxamed Oo ka mid ah Dhakhaatirta Somaliland ugu caansan Ayaa ka waramay Waraaqo is Khilaafsan oo ka Soo Baxay Maxkamada Dagmada, Ta Gobolka iyo Maxkamada Sare.

Waxa uu sheegay in Sifooyin Badan oo Sharciga Baal-marsan Loo Xanibay Guri ay ku jiraan Niman Mujaahid Ah oo Qabsaday wakhtigii dalka la soo gallay oo aanay Muddo 24 Sanno ah Cidi sheegan balse ay imika Niman Reer Somaliland ahi Xungureeyen, Waxanu tilmaamay in Mudadaaso 24 Sanno ah uu Baafinayey Gurigaasi.

Maxkamada Dagmada Ayaa Sida uu sheegay Amaro is Khilaafsan oo Marna Xanibaad Ah Marna Ka qaadis ah Ka Soo Saartay Guri Ay dagan yihiin Isaga oo Cabdiraxmaan Sheegay inaanay Cadaaladi Dalka Ka jirin Gabi Ahaanba Gashay Nin Shaadhkiisu Ladan Yahay.

Sidaasi Waxa uu ku sheegay Shirjaraa’id oo uu ku Qabtay Magaalada Hargeysa.