Gorfoyntii Iyo Fal-Celintii !! Buugga Coladihii Geeska

0
61

gor waxa waayadan danbe warbaahinta haystay dood ka dhalatay, buugga colaadihii geeska ee uu qoray Cali Cabdi Coomay. oo uu gorfeeyay qoraaga buugga dihaal reeb khaalid jaamac qodax.” haddaba buugg la qoray in la gorfeeyaa way  fududahay, balse qof ku dhiiraday in uu buugg qoro waliba history qarniyo ka hora ka qoro wakhti badana u huray, waxaan qabaa qofkaasi inu hanbalyo iyo bogaadin mudanyahay. gorfoyntu waa toosin iyo hogo tuslayn, uu qofka qalinka u qaatay ku salaynayo aragt xeel dheer oo aan dhinac ka rarnayn. haddii aan u soo noqdo shaqsiyda labada qoraa” khaalid jaamac qodax, waa qoraaga Buugga Dihaal Reeb wuxuna ka mid yahay Dhalinyarada Qalinlayda ugu cadcad.

Cali Cabdi Coomay wuxu qoray buugaag badan sida Buugga la magaca baxay Ururadii  Isaamiyiinta Somaliland sidoo kale Taariikhdii Gandi   colaadaha Geeska iyo qaar kaloo badan sidoo kale qoraagu maqaalo hal iyo labo aan lahayn ayuu leeyahay una badan Historyga iyo arimaha bulshada. qofka qoraaga ah waa isha bulshada sida hal,abuurka iyo suxufiga, hal.abuurka ama qoraagu waa ka marwalba bulshadu u hilowdo una boholyawdo hadba wixii cusub ee uu masrxa la yimaado, hal.abuur kasta ama qoraa kasta way ka reeban tahay, wax aan indhaha akhristaha ama dhagaysta u cuntamin in uu u soo bandhigo, buugga la magac baxay colaadihii geeska waan akhriyay wakhti badana dhan walba waan ka tuujiyay, taariikhdu  koobsanayana waa xaqiiqo in badan oo akhrista,yaasha ama bulshada, bog cusub u furay, dhacdooyin ka daahsoonaana u ifiyey, qoraaga buugga mar aan la sheekaystay, wakhti ku beegneyd Dabacaadii Buugga waxaan wax ka waydiiyey’

Taariikhda intaa leeg mudda uu qoraayey iyo sida ay ugu suurto gashay,” wuxu igu jawaabay inuu muddo shan sano ah qoraayay raad raacna aad dheerna uu sameeyey,

kolay nin hooyo dhashay hal ma seegi waydo, balse (Personality attack is not good)  Waxa ka haboon talo tusaale iyo hogotuslayn.

Waa bilaahi tawfiiq

Qalinkii: Xasan M. Cismaan

Email: dhoolbari1@hotmail.com