Mudaharaad lagaga soo horjeedo wareejinta Warshada laydhka oo ka dhacay Berbera

0
71

Dadweynaha Ku Dhaqan Magaaladda Berbera ayaa saaka isugu soo baxay Mudaharaad xoog badan oo ay kaga soo horjeedaan Warshadii Laydhka siin jirtay Magaalada oo lagu wareejiyay shakhsiyaad gaar ah.

Dadkan isugu soo baxay Mudaharaadka oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah xukuumadda Kulmiye ayaa dhinaca Kale waxa ay gubayaan Taayiro.

Ma jirto cid ilaa iminka ka hadashay mudharaadkaas iyo waliba cid wax ku noqotay midnba, hasayeeshee reer berbera ayaa dhawrkii maalmood ee La Soo dhaafay ka soo horjeeday qaabka ay xukuumadu u maamulayso warshada laydhka ee Magaaladda Berbera.

Dhinaca kale Magaaladda Hargeysa ayaa iyadana xukuumaddu ay ganacsato gaar ah iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland ay ku wareejisay Warshadii laydhka ee Magaaladda Hargeysa