Garsoorayaal loo eryay dacwado ay hayeen oo ay go’aano ka soo saareen.

0
68

Hargeysa(waaheen) laba garsoore oo ka hawlgali jiray Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa La sheegay in shalay la eryay, kuwaas Oo midkood la sheegay in loo haysto xayiraad ka qaadista wargeyska hubaal iyo in uu sii daayay nin Ku eedaysnaa alshabaab.

Si rasmi ah eriga labada garsoore looma shaacin hase yeeshee sida ay ilo wareedyo u dhuun daloola eriga labada garsoore sheegeen waxa ka fadhiistay guddida cadaaladda kadib markii sida la sheegay lagu eedeeyey sii daynta wargeyska hubaal iyo ninka kale ee loo haystay in uu ka tirsanaa alshabaab isla markaana xukuumaddu ka war heshay isagoo laascaanood gaadhay, kadib markii ay maxkamaddu sii day say.

Ninka la sii daayey ayay deegaanka widhwidh ka soo qabteen cidamo isku dhafan. Dhinaca kale guddida cadaaladda waxa horyaala dacwado kale Oo lagu soo oogay garsoorayaal, kuwaas Oo la filayo inay toddobaadkan go’aamo ka soo saaraa