Maareeyaha Haamaha Shiidaalka Bebera oo shirkadaha Shiidaalka ku soo rogay cashuur dheeraad ah,halka caalamka shiidaalku hoos u socdo

0
77

Berbera(Waaheen) Maareeyaha Haamaha Shiidaalka Berbera Saleebaan Siciid Cali ayaa toddobaadkii tagay ee bishu ahayd 7/1/2015 soo saaray Digreeto uu shirkadaha Shiidaalka ku saarayo Cashuur dheeraad ah.

Saleebaan Siciid Cali waxa uu shirkadaha Shiidaalka ka ganacsada ku wargeliyey in ay bixiyaan cashuur uu sheegay in uu saaray Naaftada iyo Petrolka, xilli labaduba ay Adduunka hoos u sii socdaan.

Qoraalka Maareeyuhu ku soo rogay shirkadaha oo Nuqul ka mid ah Waaheen heshay ayaa u dhugnaa sidan:-

Berbera Oil Terminal

Ku: dhamaan Shirkadaha Shiidaalka ka ganacsada

Ujeeddo: cashuur kordhinta Haamaha lagu qaadi jiray

Laga bilaabo manta oo taariikhdu tahay 7 January 2015 waxa la kordhiyey cashuurtii laga qaadi jiray shiidaalka, waxaanay noqon doontaa sida hoos ku qoran:-

  • Petrolka Foostadu waxay ahaan jirtay $15.843, qiimaha cusub waxa uu noqonayaa $18.60.
  • Naafto Foostadu waxay ahayd $13.172 waxa laga dhigay $15.60.

Sidaas darteed waxa la idin farayaa inaad isbedelkan cusub dhaqan galisaan laga bilaabo manta sida kor ku xusan.

Amarka cusub ee Maareeyaha ayaa durtaba culays ku keenay shirkadaha Shiidaalka, waxaanay Waaheen soo gaadhsiiyeen cabasho la xidhiidha arrintan oo ay ku tilmaameen Xad-gudub iyo sharci darro, iyagoo ugu baaqay xukuumadda inay ka noqoto talaabadan Maareeyuhu ku soo rogay oo ay ku tilmaameen mid aan la aqbali Karin.