WA YAAB: Tog-Wajaaleh waxa loo xidhay kastamka iyo Imigtationka Balligubadleh

0
60

 

bali

Gobolka Haud oo markiisa horaba loo sameeyay khalad iyo dad iska-horkeen, ayaad moodaa inuu bilaabay jidkii Fidmada iyo kala qaybinta ummadda.

  1. Shalay TV Qaranka waxaa  ka baxay war murtidiisu tahay: “MARKII TOG WAJAALEH LA XIDHAY,  AYAY DADKII ETHIOPIA U DHOOFAYAY IMMINKA MARAAN BALIGUBADLEH. SIDAA AWGEEDNA, DAWLADDU WAXAY GO’AANSATAY IN BALIGUBADLEH IMMIGRATION OFFICE LAGA FURO. Waa khayaal iyo riyo-soo-jeed lagu sheekaysnayo. Lakiin waxa iyana run ah in masuuliin ka tirsan  Gobolka Haud iyo  Dawladda dhex ee Somaliland ay arrinkaas iyo kuwo ka daran faraha kula jiraan. Waa gobol gacan-ku-rimis ah oo xuquuq dad ka lagu dhisyo.  Waar ka daaya ayaannu leenahay !!!!!
  2. Labadii sannadood eenu soo dhaafanay, shaqaaqooyin ayaa ka dhex dhacay Somalida kililka 5aad,  gaar ahaan dagmooyinka Gaashaammo iyo Xarshin. waxaan ilo diplomaasi ah ka soo ogaaday in dad-yaw sheeganaya Gobolka Haud ay xidhiidh qarsoodi ah la sameeyeen dawladda degaanka Somalida Ethiopia oo ay ku qancyeen maamulka halkaa ka dhisan in cashuurta laga wareejiyo xarunta degmada ee Xarshin oo lagu qaado meesha la yidhaa Laanqayrta. Waa Reer Baligubadleh oo dhiigii dadkooda awood-boob iyo sadbursi ka dhex raadinaya.
  3. Waxa kale oo reer Baligubadleh ka shaqeeyeen in wadada Dhaxbuur ka imanaysa ee loogu talo-galay inay isku xidho xarunta Gobolka ee Dhagaxbuur iyo xarunta Degmada ee Xarshin in loo duwo Laanqayrta. Wadada la baabinayaa waa WADO BARIS oo Ingriis dhulka yimi iyadoo jirta oo safrihi Kabadhuhu Maraan.  Waxanay ka soo ilaabantaa Berbera. Waa Tuu Mattaan Ciideed markay taariikhdu ahyd 1880 lahaa:  Hal aad Tidhi Wacaysoo Waxbaa Kaa Halan-halin’e *  oo heedheh Herer waa la Gayn Hadal Xumaantaase…….
  4. Xildhibaan Nac-Nac maalintii waddada Baligubadleh la bilaabay waxaa hadalkisii ku jiray:“ Waddadani waxay insku Xidhaysaa Hargeisa, Baligubadleh , iyo Dhagaxbuur oo waxay noqonaysaa waddada ugu way ee ganacsiga Somaliland iyo Ethiopia isku Xidha. Mr. Nac.Nac ka midbuu ahaa raggiii la xidhiidhay Mamumlka Kililika 5aad ee ku shaqeeyay in waddada Dhagaxbuur ka imanaysa laga duwa Magaalo Madaxda Degmada ee Xarshin/ Balicabane  oo loo duwo Laanqayrta/Baligubadleh iyadoo laga faaiidaysanyo shaqaaqada dhex martay reer xarshimeed iyo reer Dagaxbuur amma reer Araarso.
  5. Maalin dhawayd TVga  waxaynu  ka dhagasannay xaafad cusub oo laga yagleelay Hargeysa oo  yidhaa MASALLAHA GALBEED oo loogu Magac Daray Mujaahid Sheikh Sancaani. Dadka meesha marayay ee arrinkaa waday waxay ahayeen Reer Baligubadleh. Siday taariikhdu sheegayso 1970kii waxaa la g’oaamiyay in Reer Baligubadleh  xadkooda galbeed yahay Wadada INA NAXAR. Maantana, waddadii XARAFWAYNE ayay dhaafeen.
  6. Hadal iyo Gunaanad: waxaan leeyahay,  Haddii ummadu ku heshiisay in dhulku yahay Dhulkii Illaahay oo la wada leeyahay, waa arrin wanaagsan. Laakiin ma suurtoobayso mana dhacayso  in dhulka qaarna yahay dhulkii Illaahay  oon Cidna laga sheegankarin, halka dhulka qaarkiina yahay  Dhul rag leeyahay oon  la wadaagin. Waa sheeko aan soconayan ee Reer Baligubadleh  Dhulka intooda ha ku ekkaadaan.
  7. Ugu dambayn: Gobolka Haud waxa sameeyay Madaxwayne Rayaleh sababo siyaasadeed oo xilligaas jiray awgood. Runtu’se waxay tahay inaan meesha Gobol ku jirin.  Haddii la doonayo in meeshaa gobol ka soo baxo dadka walaaleeya , adeegayda dawladna ummadda wada gaadhsiiya  oo qaab dawladnimo ku sifooba, waxaan ku talinyaa in sida hoos ku qoran la layeelo:

 

  • Gobolka Haud ha la balladhiyo: Dhanka Bari ha lagu simo xadka Gobolka Oodwayne,  Dhinaca Galbeedna xadka Gobolka Gabilay.
  • Caasimadda Gobolka Haud ha loo daayo Baligubadleh oo dhex ku yaal.
  • Sidaas ayaa lagu helayaa Gobol is bixin kara oo cashuur wanaagsani soo gasho,  dadkana mideeya oo laga baxao qoqobahan ay inago oodeen dad meel gaaban wax ka eegay.  Gobolkaasi wuxuu noqonayaa meel qaadi karta Dugsiyo booring ah oo waaawayn oo reer-guuraaga u faaiideeya, jaamacad iyo dhakhtar wayn oo awood leh oo bulshadu u baahantahay  IWM.
  • Haddii taa la waayo,  haddannu nahay ummadda dagta dagmooyinka Bali-Cabanye iyo Sayla, waxa  naga go’an inaanu ka baxano Gobolka Haud ee Fadhiidka ah, laga bilaabo maalita lagu Dhaawaqo Xuduuda Caashimdda Hargeysa.

 

By : Gabbal-daye

Hargeisa

10 January  2014