Wasiiro Xukuumada oo Shahaadooyin la gudoon siiyey

0
121

Afar wasiir oo ka mida Xukuumada Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta la gudoonsiiyey shahaado sharaf ka turjumaysa waajibaadkooda shaqo ee ay ku foogan yihiin wakhti kasta iyo goorkastaba.

 Halkan ka dhagayso Codka

DSC_0039

Shahaado sharaftaasi oo ay bixisay Uk Somaliland Seafears Association, iyaga oo u soo wakiishay una soo dhiibay Alle ha u naxariistee Jaamac Maxamed Haybe oo ahaa mujaahid shacbiga somaliland magac iyo taariikh ku lahaa oo dhawaan ku geeriyooday dalka, nasiibna aan u yeelan inuu gudoonsiiyo afartan wasiir shahaado sharaftaasi uu siday, balse qadarka alle uu ka soo hormaray ka dib markii uu xanuunsaday markuu dalka soo gaadhay marxuum jaamac m haybe, xanuunkaasina uu u geeriyooday.

 

DSC_0034

Balse waxa masuuliyadii saarnayd marxuumka halkeedii ka sii amba qaaday oo soo gaadhsiiyey maanta wasiiradan, Wiil uu dhalay Marxuum Jaamac Haybe.

DSC_0045

waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey wiilka, wasiirka wasaaradda Madaxtooyada JSL, mudane Xirsi Cali X Xasan oo marxuumkana alle uga baryey inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo, wasiirada mutaystay in lagu qiimeeyo waxay shacbiga iyo qarankaba u qabteena  ku hambalyeey midmidna u xaadiriyey si uu wiilku u gudoonsiiyo shahaado sharaftaasi.

DSC_0029

waxaana halkaasi ka hadlay wasiirada la gudoonsiiyey shahaado sharaftaasi oo kala ah:-

1. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade

2. Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale

3. Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire

4. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo wacyigelinta  Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

DSC_0028 DSC_0021 DSC_0017 DSC_0015 DSC_0007