Waan bogsan karaa

0
92

lllllllllllWaan kabao la’ahay, waan qaawanahay, waan gaajaysanahay, dadkuna dhamaan ima ixtiraamaan. Markay I arkaan way iga baydhaan iyaga oo muujinaya takoor iyo weji adag oo cabsi kujirto, marka lagu daro kuwa ehelkayga ah ee iigu dhaw. Way ijidhdiidaan dadku marba-marka ka dambaysana waan ka fiiga oo ka cararaa meesha ay joogaan. Ima karto cadceedu iyo gaajadu, kama hoydo dhaxanta balse jidhkaygu wuu dareemayaa. Qalbigu wuu ooyayaa, waxaan lanoolahay bulsho damiirka iyo ruuxda ka dhimatay. Naxariisna aan siin dadka liita.

Waxaan ahay naafo ka ahay qalbiga iyo maskaxda oo ah xubnaha ugu xun ee qof bini’aadam ahi kanaafoobo. Dawlada iyo dadweeynuhu ima daryeelaan. Waxaa dhacda marmarka qaar in aan meydkayga la’aasin oo ay dugaagu cunaan, laakiinse waxaan leeyahay xaqa qofkasta oo bini’aadam ahi leeyahay, waan waalanahay laakiin waan bogsan karaa. Dhamaan dadka waalanina waxay kamidyihiin bulshada. Hadii ladaweyn lahaa qaybay ka noqon lahaayeen hormarka iyo waxtarka bulshada.mas’uuliyada dadka waalani waxay saarntahay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horayso dawlada iyo culimadu

By:Aisha Mohamed Abdirahmaan

Email:nawaalmaxamed@hotmail.com