HOGAAMIYE QABIILEEDKA MAAMULKA TUULOOYINKA GAROOWE IYO BOOSAASO MR CABDI WALI CALI GAAS” CABDI WALI ASQO” OO CAADAYSTEY AFLAGAADO KA DHAN AH SOMALILAND KA DIB MARKUU TAMAR IYO SIYAASADBA WAAYEY.‏

0
93
Ka dib dhawaan  ayay  aheyd  markii  hogaamiyaha  labada tuulo  ee  reerka  kaliya uu dego ee  garoowe  iyo boosaaso  uu  qabtey  wax  uu  uGu  yeedhey  shir jaraa’id.
Shirkaasi  oo  ahaa  mid  uu  rabey  in uu  taageero  uga  helo  wadamada  jaarka  ah  ee  iska diidey  dalabkiisa  beenta  ah  ee uu  yidhaado  waxaan  la dagaalama  kooxda  al-shabaab ee  galgala  balse  uu  meesha  kula  dagaalamo  qabiilada  Warsan -galiga oo  uu  dhulkooda  rabo   in  uu  boobo oo  uu  macdanta  buuraha  Gal-gala  ku  wareejiyo kooxo  calooshooda  u  shaqeystayaal  ah, ayaa  waxa  uu  ku  sheegey  in  ay  kooxdaasi  u  baxsadeen gobolada  waqooyi  ee  somaliya  waa  sida  uu  afkiisa  ka  yidhi, hadalkaasi  oo  ahaa  mid  been  ah.
Hadaba  waxaa  dowlada  Somali-land  laga  sugayaa  in  ay  ninkaasi  siiso  jawaab  ku  haboon  aduunkana  loo  sheegaa  in  uu  been  iyo  waxaan  jirin  gobolka  ka  wado.
Hogaamiye  qabiileedka  majeerteeniya  waa  mid  ka  madhan  ,siyaasada  iyo  tamarba  balse  afkuun  ka  hadla, sidaasi  darteed  haduu  edeb  darada  joojin  waayo  waa  in  abaalkiisa  la  mariyaa  ninkaasi  qaawan  ee cabdi  wali  asqo.
Waa  maamulka  kaliya  ee  somaliya  ka  jira  ee  tv-yada  mar walba  la  yimaada  manta  waxaanu  dilney  ama  dil  ku  xukuney  shan  caruur  ah,, wax  kale  ma hayo,  siyaasad, horumarin  toona  ma  yaqaano  maamulkaasi  waa  mid  fadhiid  ah  oo  kolba  afar  caruur  ah  intey  xidhxidhaan  yidhaada  waxaanu  dilney , al shabaab  iyagoo  ka  been  sheegaaya  dacwad  been  ah  ooy  ku  eedeeyaan dadkaasi  masaakiinta  ah , xaquuqal  insaanka  iyo  beesha  caalamkaba  waa  in  loo  sheegaa  meeshaasi  in  ay  tahey  meel  dadka  lagu  qasho  oo  ay  tahey  Xero  budhcad  ay  joogaan, gobolkana  waa  in  laga  dhigaa  meel  nabad  ah  oo  kooxahan  dugaaga  ah  laga  sifeeyaa.
Qore: Tahir Hussein/ qoraa iyo  ururiye  dhacdooyinka  geeska  afrika/.