0
76

 

“Wuxuu raaligalin ka bixiyey hadalkii uu nagaga hor istaagayey Saaxil ee aanu awooda u lahayn” Xildhiban Maxamed Cali

Hargeysa(Waaheen) Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa shalay Xarunta Baarlamaanka kulan saacado qaatay kula yeeshay Guddida ilaalinta hantida qaranka ee Wakiilada ka dib markii dhawaan muran soo kala dhex galay Badhasaabka iyo Guddida.

Badhasaabka ayaa hore saxaafadda uga sheegay inaanay guddidu dib u tagi doonin Saaxil ka dib markii uu ka cadhooday warbixin Musuqmaasuq ku salaysan oo guddidu soo bandhigtay, hase ahaatee amarkaasi Guddida ayaa warbaahinta kaga jawaabtay sheegtayna inaanu awood u lahayn.

Kulanka shalay ee saacaddaha qaatay ka dib ayaa warbaahintu Badhasaabka waydiisay wuxuu kulanku daaraa “Kolay hawlo ay iiga maarmi waayeen uun bay iigu yeedheen, waanuna iska soo afgaranay Xaqiiqdii” ayuu ku jawaabay Gudoomiyaha Saaxil.

Gudoomiyaha Saaxil oo Suxufiyiintu waydiiyeen arrinta ku saabsan Amarka Guddida Ilaalinta Hantida qaranka kaga mamnuucay Gobolka Saaxil waxa uu ku jawaabay “Taasi waa waxaanu dhamaysanay, waxaanu ku dhamaysanayna anagaa Og”

Badhasaabka oo la waydiiyay inuu raali galin ka bixiyay Arrintaasi ayaa ka gaws adagy islamarkaana ku dooday inay tahay arrin ay wada dhamaysteen isaga iyo Guddidu.

Dhanka kale Gudoomiyaha Guddida Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, ayaa sheegay in Gudoomiyaha Saaxil raali galin ka bixiyay amarkaasi aanu awooda u lahayn ee uu hore uga sheegay saxaafadda, islamarkaana ay isla fahmeen waxa uu qoonsaday oo ahaa waxaan jirin Guddidu arrintay sheegtayna uu khalad fahmay.

Dhanka kalena Gudoomiyaha Saaxil waxa uu sheegay in isagoo fulinaya go’aankii guurtidu ku xallisay Khilaafka golaha wakiilada qodobkiisa 9-aad oo sheegayay in Asxaabtu joojiso wixii Olole u muuqan kara uu joojiyay Xafladdaha Xisbiyadu ku qabsanayaan Hotel-ladda iyadoo arrintaasna markii uhoraysay uu ku socodsiiyay munaasibad waddani lahaa.