Xaaji Cabdiwaraabe Oo Qiray In Guurtidu Ka Gaabisay Doorkay Ku Lahayd Dejinta Xiisadda Awdal.

0
86

“Suldaan Wixii Aad Tabanayso Kaalay sheeg, Dalkana waxa jooga Madaxwayne Garawshiyo Bixinaya”
 

Hargeysa(Waaheen)  Oday Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdiwaraabe), oo ah Gudoomiyaha Guddiga joogtada ah ee Guurtida ayaa sheegay inay guurti ahaan ka gaabiyeen kaalintii ay ku lahaayeen dejinta Xaaladda Gobolka Awdal Waxanu yidhi. “inaanu tagno ka Guurti Ahaan waa Run Oo Waanu ka Gaabinay oo waanu sahashanay, Boorama Maaha Daabiyad yar waa Kursigii Dawlada oo dhami ku Fadhiday, Garbaa na loogu Leeyahay inaanu Tagno Oo Aanu Xaalada Dajino, Xukuumaduna Noomay Diran Anaguna Waanu ka Gaabinay Kaalinta Aanu ku lahayn, hadana waanu La soconaa In Ay ka shaqaynayaan Xaalada Gobolka Boorama, Dadka ay isku Deegaanka Yihiin Suldaanka Diidan Somaliland” ayuu yidhi Xaaji Cabdi
Oday Cabdiwaraabe oo arrinta Awdal ka sii hadlaya ayaa tilmaamay muhiimada Gobolka Awdal “Hadana wixii na looga Baahdo Xukuumadda ayaanu iska Arki Doonaa, wixii Tagid Leh waanu Tagi,Wixii Nagu baaqdayba waanu Qaban, Laakiin waxaanu leenahay Boorama Gobolada dalka somaliland Lamid Maaha, Markii Ingiriisku dalka Haystay kuwaas ayay lasaaxiib Ahayeen,Tani Markay dhalatayna Iyaga Aabe u ah oo waa Halka ay somaliland Ka dhalay,waxaanan usoo jeedin lahaa Duul-duulka iska ilaaliya.”Ayuu yidhi Xaajigu
Xaaji Cabdiwaraabe waxa uu sheegay in inkasta oo Reer Awdal ku fadhiyaan Kursiga Madaxweyne xigeenka haddana diyaar loo yahay dhegaysiga tabashada reer Awdal iyo in wax laga qabtaba.
Oday Cabdiwaraabe waxa uu farriin u diray Suldaanka Buuraha galay “Wixii Aad tabayso Suldaan Afkaaga ka sheeg oo Kaalay, Dalkana waxa jooga Madaxwayne Aan Dhalinyaro Ahayn oo Nin wayn Ah oo Garawshiyo Bixiya,Wixii Aad tabanayso dhamaan waa kuu diyaar Golihii Baarlamaankii, Odayaashii, wax Garadkii Iyo Dhamaan Shacabka Somaliland”.