Xarshin: mushkilad ka soo cusboonaatay deegaanka Xarshin

0
236

Itoobiya(Waaheen) Mushkilad hor leh ayaa lagu soo waramayaa inay ka soo korodhay Heshiis laba Beelood ku gaadheen deegaanka Xarshin ee Ismaamul Deegaanka Somalida Itoobiya, taasoo xagal daac ku keenaysa fulinta Heshiiskaas hore oo ka koobnaa dhawr qoddob.

Ilo wareedyo u dhuun daloola mushkiladda soo cusboonaatay ayaa sheegaya in mid ka mid ah labada Beelood ee dirirtu ku dhex martay koonfurta deegaanka Xarshimeed ay muran ka keentay Dhulka iyadoo ku dooday inaanay beesha Xarshimeed usoo dhaafin kor dhulka ay degan yihiin, shuruudan oo keentay inay Beesha Xarshimeed diido soo jeedinta beesha kale.

Muranka ka dhashay soo jeedintan oo aan hore ugu jirin khilaafka labada Beelood u dhaxeeyey ayaa la sheegay in uu maamulka Kililka shanaad soo fara galiyey isla markaana cagacagafyo galiyey  deegaanka Xarshimeed si uu moosas aanay dhaafi Karin ugu sameeyaan, waxaanay taasi sababtay in ay dadku ka hor yimaadaan.

Murankan soo kordhay ayaa la hadal hayaa in lagu xidh xidhay dad badan oo ka tirsan deegaanka Xarshimeed taasoo dhalisay kacdoon aan wali la ogayn dhibaatadiisu inta ay leegtahay.