Minka Guusha Iyo Muuqaalada Xeeladaha Siyaasadeed Ee Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani . Faalo Wariye Cabdiraxmaan Aadan Q.3aad .‏

0
88

Minka Guusha Iyo Muuqaalada Xeeladaha Siyaasadeed Ee Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani . Faalo Wariye Cabdiraxmaan Aadan Q.3aad . 


⦁ Mab’da Hufan Maqaal Koobsadiyo Erayo Miisaaman
⦁ Taariikh Mug Weyn Qoraa Daabacoo Masixin Sooyaalka
⦁ Qoraal Muwaadinkii Dhab Ahi Maanka Galinaayo

Waa Mar Kale Iyo Qormadii Sadexaad Oo Saldhigeedu Yahay Sadaro Hufan Iyo Xog Ururin Sugan , Waa Qormo Si Sax Ah Aan Idiinku Iftiimin Doono Sooyaalka Siyaasadeed Ee Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani , Waa Qormo Diirada Saari Doonta Sanadihii Sideetamaadkii Iyo Shaqooyinkii Uu Ka Soo Qabtay Dawladii Somaliyeed Ee Uu Madaxweynaha Ka Ahaa Kalidii Taliyihii Maxamed Siyaad Barre .

Male Rag Waa Mudacyo Afkoode Aan Idiin Soo Qadimo Qoraal Si Rasmi Ah Uu U Baahiyay Gudoomiye Cirro Maalintii Loo Doortay Gudoomiha Aqalka Golaha Wakiilada , Qoraalkan Ayaa Cadayn Buuxda U Ah Qodobo Badan Oo Aan Hore Ugu Soo Dhaliilay Gudoomiye Cirro .

Ugu Horayn Markii Aan Akhriyay Qoraalkan KoobanGARWAAQSADAY Heerarka Wax Barasho Ee Gudoomiye Cirro Waxbarashada Ka Gaadhay , Sidoo Kale Markii Aan Akhriyay Waayo Aragnimada Shaqo Ee Gudoomiye CirroXAQIIQSADAY In Aanu Gudoomiyuhu Halgankii Dib U Xoraynta Qaran Ee SNM Aanu DAREEN , DOOD IYO DEEQMidna Kaga Qayb Galin .

Sidoo Kale Bal Adba Akhriste Maxaynu Ku Tilmaanaa Dalacaada Uu Gudoomiye Cirro Agaasime Waaxeed Wasaarada Arimaha Dibada Uu Uga Dalacay Qunsulka Koowaad Ee Safaarada Dalka Ruushka U Joogaya Xukuumadii Kalidii Taliyihii Maxamed Siyaad Barre .

Sidoo Kale Bal Adba Akhriste Maxaynu Ku Tilmaanaa Xidhiidhka Dhaw Ee Uu Gudoomiye Cirro Ku Aaminay Kalidii Taliyihii Siyaad Bare Xili Bulshada Somaliland Ciidamadii U Daacada Ahaa Kalidii Taliyihii Siyaad Bare Uu ku AmrayXASUUQ , DIL , KUFSI , DHAC , BARAKICIN IYO XABSI Gaajo Iyo Dar Xumo Taalo .

 

Xiliga Gudoomiye Cirro Loo Magacaabay Qunsulka Koowaad Ee Safaarada Dal Weynaha Ruushka Waa Xiligii Diyaaradihii Dagaalku Ay Xasuuqa Baahsan Dadkii Dalandoolka Qoxoontinimo Ku Magansanayeen Dalka Ethiopia Ay Gantaalaha La Beegsanayeen .


Hadiiba Ay Sooyaalka Gudoomiye Cirro Sidaasi Ku Cadahay Waxaa Is Waydiin Mudan Muucaaradada Maanta Ee Gudoomiye Cirro MA DAN-GUUDBAA MISE WAA DAN GAAR AH ? MA MUDAN YAHAYSE IN LA TAAGEERAA ? Jawaabtuna Waxay U Taalaa Akhristayaasha .

LA SOCO QAYBTA AFRAAD .

Halkan Guji Oo Akhriso Qaybtii Hore .

Faalo Wariye Cabdiraxmaan Aadan Muxumed
Wixii Talo Iyo Tusaale Ah Fadlan Noogu Soo Hagaaji
Bade400@gmail.com Or +252-63-3559900