Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland oo Jabouti tagay.

0
43

Hargeyda(waaheen) wasiirka wasaarada kalluumaysiga Somaliland ayaa safar ahan ujeedadiisa LA shaacin Ku tahay dalka jabuuti, waxaana safarkiisa Ku wehelinaya agaasimaha guud we kalluumaysiga. Wasiirka kalluumaysigu waxa uu doraad gaadhay magaaladda lawyacado, halkaas Oo uu seexday habeen hore, isagoo isla shalay aroornimadii u jarmaaday dhinaca jabuuti Oo uu Ku galay gaadhi.

Masuuliyiinta wasaarada kalluumaysiga ayaa had iyo jeer taga jabuuti, waxaana ka dhaxeeya xidhiidh dhinaca kalluumaysiga balse labada deal midkoodna Kama waramo waxyaabaha ay isdhaafsadaan. Ilo wareed u dhuun daloola xidhiidha u dhaxeeya jabuuti iyo Somaliland ayaa sheegaya in safarada kaluumaysi ee u dhaxeeyaa LA xidhiidho maraakiibta kalluumaysiga iyo doonyaha.

dhinaca kale, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo dalka jabuuti kaga qayb galay Ijtimaacii Tabliiqiyiinta ayaa xalay ka soo talaabay dhinaca Jabuuti, waxaanay u hoydeen magaaladda saylac, halkaas oo ay ka soo ambabixi doonaan.