Wasiirka Maaliyadda oo kormeeray Kastamka Berbera oo adeegyo casri ah lagu kordhiyey

0
67

Wuxuu mahadnaq ujeediyey Cashuur bixiyayaasha iyo Shaqaalaha Kastamka Berbera

Berbera(Waaheen) Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale oo ay wehelinayaan Agaasimayaasha Waaxyaha Miisaaniyadda, Qorshaynta iyo Tirakoobka ayaa kormeer ku tagay magaalo Xeebeeda Berbera, waxaanay kormeereen Kastamka Berbera iyo laamaha kala duwan ee Dawladda.

samaa2wasiirka iyo masuuliyiinta la socotaa waxay subaxnimadii shalay  ku waabariisteen xafiisyada kastmaka Berbera, halkaas oo si habsami ah ay uga socotay shaqada adeega dadweynaha ee cashuur ururintu, waxaana halkaas warbixin ku siiyey madaxda Maaliyadda  isuduwaha wasaarada maaliyada gobolka saaxil ahna maamulaha kastamka Berbera. waxaanuu sheegay in kutalagalkii dakhliga ee sanadkii dhamaaday ee 2014 uu sidii loo qorsheeyay usoo baxay isla markaana dakhli dheeraad ahi soo xarooday, waxa kale oo isuduhu ka warbixiyey nidaam cusub oo ay kastamka ka hirgeliyaan kaas oo casri ah isla markaana enteriyadii wax lagu dul qori jiray ay ka dhigeen elelctronic taas oo waxbadan fududeeyay haday tahay tirakoobka iyo khaladaadkii ka iman jiray qiimaha (under collectionka), sidoo kale wuxuu sheegay in aqoonta shaqaalaha kor loo qaaday.

Wasiirka Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale ayaa uga mahad celiyey dhamaan shaqaalaha ka hawlgala kastamka Berbera oo ah laf dhabarta shaqaalaha wasaaarada maaliyada, waxa kale oo uu wasiirku u mahad celiyey cashuur bixiyayaasha iyo hay’ada dawlada ee gobolka saaxil, gaar ahaan Dekeda Berbera, ciidanka Booliska, Dawlada hoose Haamaha Berbera iyo Hawl-wadeenada baanka berbera wuxuuna ku Booriyey wasiirku madaxdii halkaas uu kula kulmay in si wada jira loogu guntado sidii kutalagalka dakhliga 2015 looga midha dhalin lahaa.

samaa3Gabagebadii wuxuu wasiirku kormeer ku soo sameeyay dhamaan xafiiisyada dawlada ee degmada Berbera sidaXafiiska gudoomiyaha Gobolka saaxil, dekeda Berbera gaar ahaan qaybta hada lagu daray, haamaha Berbera, Dawlada hoose ee Berbera, xafiiska cashuuraha Beriga, xafiiska xisaabaadka iyo Laybareeriga cusub ee laga hirgeliyey Gobolka saaxil gaar ahaan degmada Berbera.

Wasiirka iyo weftigiisa ayaa laga yaabaa inay kormeer ku maraan dhamaan Goboladda Dalka, iyagoo doraad ka bilaabay Abaarso iyo Kalabaydh.

 

 

 

samaa