Danjiraha Qaramada Midoobay u Qaabilsan somaliya oo sheegay in Dadaalka Al shabaab guulo laga gaadhay.

0
45

Nicholas_KayErgayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya danjire, Nicholas Kay oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in duqeyntii uu Mareykanku ka geystay Soomaaliya iyo weeraradii lagu qaaday Al-shabaab sannadkii lasoo dhaafay ee 2014-kii laga gaaray guulo waaweyn.

Danjire Kay ayaa sheegay in gulufka colaadeed ee ka dhanka ah Al-shabaab ay ku qasbeen in kooxda laga saaro dhowr iyo 20 magaalo oo muddo dheer ay Al-shabaab maamusay.

“Guul la taaban karo ayaa laga gaaray dagaalladii kooxda Al-shabaab lala galay 2014-kii. Sidoo kalena horumar dhinaca siyaasadda ah ayaa la gaaray isla sannadkii hore,” ayuu Kay ku yiri wargeysigiisa.

Ergaygu wuxuu intaas ku daray in howlgalladu ay sii socon doonaan, uu rajo weyn ka qabo in Soomaaliya ya ka dhici doonaan doorashooyin 2016, taasoo uu xusay in dadaalkeeda la wado.

Hadalka danjire Kay ayaa imaanaya iyadoo xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen toddobaadkii hore saldhig ugu weyn AMISOM ee Somalia ay ku leedahay ee Xalane, halkaasoo lagu tiro ka mid ah ciidamada iyo saraakiisha AMISOM.

Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyntoodii ugu dambeysay ee ay Somalia ay ku dileen C/shakuur Tahliil oo ay ku sheegeen inuu ahaa sarkaalkii dhinaca sirdoonka uga wakiilka ahaa Al-shabaab.

Si kastaha ha ahaatee, Mareykanka ayaa bishii September ee sannadkii la soo dhaafay ku dilay duqeyn cirka ah hoggaamiyihii Xarakada Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane oo ay u yaqaanneen Sh. C/raxmaan Abuu-Zubeyr.